Home / Cayaaro / Manchester United oo Liverpool kula biirtay doonista saxiixa Patson Daka

Manchester United oo Liverpool kula biirtay doonista saxiixa Patson Daka

Himilo – Kooxda Man Utd ayaa la werinayaa in ay Liverpool kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa kooxda Red Bull Salzburg ninka lagu magacaabo Patson Daka.

21-jirkaan ayaa u ciyaara naadiga ka dhisan Austria isaga oo kooxda u dhaliyay 24 gool kaddib markii kooxda u saftay 30 kulan, wuxuuna ka caawiyay kooxdiisa ku guuleysiga horyaalka.

Daka ayaa Liverpool kaga hor yimid tartanka Champions league, fasalkii tegay isaga oo tan iyo markaa kamid ahaa dookha tababare Jurgen Klopp.

Daily Mail ayaa werineysa in Liverpool aheyd kooxda ku keliga aheyd xiddigan balse hadda caqabad ay ka wajahayaan kooxda Man Utd oo tartan u galaysaa laacibkan.

Salzburg waxay weeraryahankan ku qiimeysay adduun lacageed dhan £20m, isaga oo xiddigan u saxiixay kooxdiisa sannadkii tegay shan sano oo qandaraas kordhin ah.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan