Himilo – Manchester United ayaa lagu warramayaa in ay isku dayayaan u tartamidda Schalke 04 daafaceeda ee Ozan Kabak.
Sida ay ku warrameyso Daily Mail, United ayaa diyaar u ah in ay la xafiiltamaan kooxaha Liverpool iyo AC Milan.
Warbixintu waxay intaasi ku darreysaa in Schalke diyaar u tahay aqbalidda qiimaha lagu iibin karo oo ah £25m.
United ayaa rajayneysa in bisha January yareeyaan tiro ciyaartoy ah kuwaasi oo kala ah Phil Jones, Marcos Rojo iyo Jesse Lingard.