Himilo – Tababarihii hore ee Inter Milan ayaa jeclaan lahaa in xidigga reer Poland uu ku arko horyaalka Italy.
Hoggaamiyaha Italy, Roberto Mancini ayaa rumeysan in Robert Lewandowski yahay mid kamid ah weeraryahannada ugu wanaagsan dunida, balse waxa uu qirtay in wax laga murugooda tahay in uusan weli ka ciyaarin Serie A.
Azzurri ayaa wajaheysaa xulka uu ka tirsan yahay Lewandowski ee Poland kulan ka tirsan Nations League.
Lewandowski ayaa dhaliyay 55 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkii 2019-20 isaga oo Bayern Munich ka saaciday kuu guuleysiga Bundesliga, DFB-Pokal iyo Champions League.
“Lewandowski waa mid kamid ah weeraryahannada dhexe kuwooda ugu wanaagsan dunida, waxa uuna sidaa ahaa dhowr sannadood. Waa wax laga qoomameeyo in aan innagu marnaba ku arag isaga oo ka ciyaaraya Serie A”. ayuu yiri Mancini.