Home / Cayaaro / Mane: “Liverpool waxey baddeshay jadwalka tababarka”

Mane: “Liverpool waxey baddeshay jadwalka tababarka”

Himilo – Sadio Mane xiddigga reer Senegal, ayaa sheegay in kooxdiisu ay baddeshay jadwalkii caadiga ahaa ee tababarka, si ay u caawiso ciyaariyahannadeeda muslimiinta ah ee sooman inta lagu jiro bisha soon-qaad.

Sida uu sheegay Mane, kabtanka kooxda Jordan Henderson oo matalaya xiddigaha muslimiinta ah ayaa hadlay macalin Jurgen Klopp, waxa uuna ogolaaday in xilligga tababarka laga soo weeciyo galab oo la geeyo subax.

“Tababaraha waxa uu yiri haye, waxaana u maleynayaan iney innoo fududahay innaga, haddii aan tababarto subaxdii waxaan helayaa waqti aan ku nasto oo aan ku aado guriga, balse haddii ay noqoto labada amaba seddaxda wey adkaan lahayd” ayuu yiri Mane.

Mar uu weydiiyay weriyaha beIN SPORTS sida ay u maareeyaan ciyaartoyda sooman kulamada, waxa uu ku jawaabay “Wax fudud maha haddii aad sooman tahay na waa ay sii adag tahay balse Liverpool waxaan u maleynayaa inay isku dayeyso in wax weliba innoo fududeyso.” Ayuu yiri Sadio Mane.

Kooxda Liverpool waxaa u ciyaar illaa dhowr xiddig oo muslimiin ah waxaana ka mid ah Mane, Mo Salah, Ibrahima Konate iyo Naby Keita.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan