Haddii qof walba uu xasuusto goor walba adeegsiga ereyada haboon sida Fadlan iyo Iga raali noqo oo ay nolosha caadiga ah kamid noqdaan dhibaatooyin badan oo dhaca ayaa hakan lahaa.
Dhaqamada wanaagsan hirgelintooda maqaayad yar oo Shaah iibisa ayaa qeyb ka qaadaneysa, iyadoo ku dhiira gelineysa dadka dalbanaya Coffe xilliga aroortii inay isticmaalaan ereyada codsigu ku dheehan yahay si ay u helaan adeeg raqiis ah.
Illinka hore ee Maqaayadda waxaa yaal boor ay ku hor qoran tahay qormo ka turjimeysa hanaanka aad u hadleyso si laguugu adeego iyo qiimiga kaa baxaya hadalka aad tiri awgii.
Haddii aad tiraahdo “Coffee Yar” waxa lagaa siin doonaaa $5. Haddiise aad tiraahdo “Coffee Yar, Fadlan” waxaa lagaa siin doonaa $3 oo lacag dhan $2 ayaa hab dhaqankaa wanaagsan kuugu baaqan doonta, haddiise aad tiraahdo “Halow, hal Coffee oo yar fadlan” waxaa lagaa siin doonaa koobka Kofeega ah keliya $1.75.
Qoraalkan oo la soo dhigay mareegta bulshada kulmisa ee Imgur ayaa waxaa arkay in ka badan 1,751,300 oo qof.
Qaar badan oo dadka fariimaha ka dhiibtay qoraalka mareegta bulsheed la soo dhigay ayaa muujiyay in arrinkan yahay mid lagu farxo.
Dad kale ayaa dhaliilsan hab dalabaadkan asluubeysan oo ay u arkaan in dadka lagu qasbayo isticmaalka iyo adeegsiga ereyo aysan qalbi ahaan jecleysaneyn oo ay keliya uga gol leeyihiin inay ku badbaadsadaan qarashaad.