Muqdisho – Milkiile maqaayad ku taalla New York oo badi shaqaalihiisa ay yihiin soo-galooti ayaa go’aansaday inuu aragtidiisa siyaasadeed ku muujiyo warqadda lacagta bixinta.
Mark Simmons oo ah milkiilaha maqaayadda Kiwiana’s restaurant ayaa sheegay inuu shaqaaleysiiyo badi dadka dunida kale uga yimaada Maraykanka.
Simmons ayaa sidoo kale ah soo-galooti Maraykanka uga yimid New Zealand si uu fursado nololeed uga abuurto. Simmons wuxuu sheegay in in kasta oo soo-galootiga ka yimaadeen meel kala fog hadana ay leeyihiin dhaqamo kala duwan – oo ay muhiim tahay in si siman loola dhaqmo.
Maqaayaddiisa oo la furay sanadkii 2011, waxaa ka shaqeeya soo-galooti ka kala yimid dalalka Russia, China, Guatemala, Dominican republic iyo Puerto Rico.
Simmon wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu kahor yimaado aragtida Donald Trump uu ka qabo soo-galootiga. Isaga oo ku qoray waqradda risiidka ‘Soo-galootiyow ka dhig America mid weyn,”
Macaamiisha ayaa muuqaalka risiidka waxay soo dhigeen baraha bulshada.