Home / Cayaaro / Marc Albrighton: ‘Leicester waxay u dagaallameysaa seddex koob’
marc-albrighton

Marc Albrighton: ‘Leicester waxay u dagaallameysaa seddex koob’

Himilo – Marc Albrighton wuxuu rumeysan yahay in Leicester ay si buuxda ugu tiirsan tahay inay ceyrsato seddex koob.

Foxes ayaa ku jirta kaalinta seddexaad ee Premier League ka dib kulankii Axadii ee 0-0 ku dhamaaday ee Wolves.

Waxay sidoo kale martigelinayaan Brighton wareega shanaad ee FA Cup Arbacada waxayna u safri doonaan Slavia Prague wareega 32 ee Europa League 10 maalmood gudahood.

Albrighton ayaa yiri: “Waa wax lagu farxo. Sida iska cad, ciyaaruhu waxay ku imaanayaan si dhumuc leh oo dhaqso leh iyo tartamo kala duwan waxaan kula dagaalamaynaa dhinac walba.

“Taasi waa waxa aan eegnay inaan sameyno bilowga xilli ciyaareedka. Waxaan dooneynay inaan ka qeyb galno tartan kasta inta ugu macquulsan.

“Waxaan fursad u helnay inaan u gudubno wareega afar dhamaadka FA Cup, taasoo fursad qaali ah noo ah anaga waxaan raadineynaa inaan aadno oo aan soo bandhigno qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo aan natiijo helno Arbacada”.

Albrighton ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaartii ka dhacday Molineux iyada oo kooxda Dawacooyinka lumisay fursad ay dhibco kula wadaagi  lahayd kooxda Man United.

Leicester ayaa laba dhibcood ka dambaysa United halka ay 7 dhibcood ka dambayso kooxda hoggaanka haysa ee Man City kadib markii ay 4/1 ku garaacday Liverpool.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan