Himilo – Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in aysan qorsheynayn saxiixyo cusub oo ay sameyso suuq furanka bishan Janaayo.
Goor sii horreysay, kooxda reer Catalan ayaa lala xiriiriyay magacyada ciyaaryahanno waaweyn xilli la filayo in ciyaaryahanno ka tagaan garoonka Camp Nou.
Si kasta, Marca ayaa tilmaameysa in Ernesto Valverde uu hadda ku farraxsan yahay awooda safka kooxdiisa.
Wararka ayaa intaa raacinaya in maamulaha Barcelona uu doonayo in daqiiqadaha uu u qeybiyo ciyaaryahanadiisa heerka sarre 5-ta billood ee soo socota.