Mareykanka: Dibi baxsad ah oo hakiyay isku socodka waddo mashquul ah

0
2

Himilo – Dibi baadi ah oo loo maleynayo inuu ka soo baxsaday ciddii laheyd ayaa ka soo dhex muuqday waddo laami ah oo mashquul badan taas oo marta gobolka California.

Muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa muujinayay dibiga oo wadada dhex taagan isla markaanna ay joogsadeen gawaaridii kala duwanaa ee jidka ku socdaalayay.

Telefishinka ABC7 ayaa oo weriyay in dibiga uu sababay dib u dhac kooban oo ku yimid dhaqdhaqaaqii wadada oo xilligaa aad loo adeegsanayay marideeda.

Dibiga ayaa billaabay inuu daaqo caws ku yaalla wadada dhinaceeda  taas oo sii dheereysa mudada la sugayay. hal saac kadib Boliiska ayaa ku guuleystay inay ka leexiyaan jidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here