Home / Arrimaha Bulshada / Mareykanka: Haweenay dhashay iyadoo garba-duub u xeran!

Mareykanka: Haweenay dhashay iyadoo garba-duub u xeran!

Himilo FM – Haweenay ku nool magaalada Newyork ee dalka Mareykanka ayaa martay xannuun daran markii ay dhashay iyadoo gacmaha ka xeran sida uu qoray wargeyska Independent.

Haweenayda oo ah 27 jir ayaa dareemaysay xannuun la xiriira dhalmo markii booliisku ka soo saareen xabsi ku yaala Newyork iyadoo la geeyay xarun caafimaad oo ka agdhaw.

Khubarada caafimaadka ayaa u sheegay booliiska inaysan suuragal aheyn in haweenayda oo garba-duub u xeran inay dhasho, taasina ay khatar gelin karto nolosheeda.

Sida wargeyska Indpenedent uu qoray, booliiska ayaa ku adkeystay in haweenayda dhasho iyadoo garba-duub u xeran inkastoo mar danbe uu oggolaaday in laga furo garba-duubka hase ahaatee gacanteeda middig lagu xero sariirta dhalmada.

Haweenayda oo aan magaceeda la shaacin ayaa sheegtay inay dareentay dullinimo iyadoo xustay inaysan ehelkeeda oggeysiin wixii dhacay.

Waxay intaa raacisay haweenayda inaysan fahmin sababta loo garba-duubay iyadoo foolanaysa oo dareemaysa xannuun balse booliiska waxay tilmaameen in sharcigu dhigayo in qofka maxbuuska ah gacmaha laga xero.

“Wiilkeyga uma sheegi doonno wixii dhacay,” ayay hadalkeeda raacisay haweenayda dhashay iyadoo gacanta middig ka xeran.

Garsoorka magaalada Newyorka ayaa hadda gacanta ku haya dacwad ay gudbisay haweenayda oo dalbanaysa in magdhaw laga siiyo dhibka gaaray islamarkaana aysan mar kale dhicin in haweenay uur leh loo xero garba-doob.

Dad badan ayaa ku dhaliilay booliiska Mareykanka sida ay ula dhaqmeen haweenayda iyagoo ku sheegay inay tahay mid ka baxsan dareenka bini’aadanimo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan