Home / COVID 19 / Mareykanka: In ka badan kun ruux ayaa maalinkii u geeriyooda Covid-19

Mareykanka: In ka badan kun ruux ayaa maalinkii u geeriyooda Covid-19

Himilo – Dadka qaaday feyruska Karona ee mareykanka ayaa gaaray 11-milyan oo ruux, iyadoona isbitaalada ay qaabilayaan bukaano badan.

Celcelis ahaan in ka badan kun qof ayaa maalinkii gudaha Mareykanka ugu dhimata cudurka Covid-19, waxaana dadka u geeriyooday ay hadda ku dhaw yihiin 250,000. Qaar ka mid ah gobolada dalkaasi sida Michigan iyo Washington, ayaa soo rogay amaro.

Waxaa la xiray maqaayadihii laga cunteen jiray, waxaana la mamnuucay in ardaydu xaadiraan xiisadaha dugsiga laga soo billaabo arbacadii todobaadkii hore.

Jimcihii, maamulka Madaxweyne Donald Trump, ayaa shacabka la wadaagay fariin yididiilo leh, iyaga oo sheegay in bisha December la qeybin doono 20 milyan oo dose oo ah tallaalka aanan wali ogolaanshaha heysan ee looga hortagayo Covid-19.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan