Home / COVID 19 / Mareykanka oo dadkiisa ka tallaalaya cudurka Covid-19
Diana Carolina, a medic at Memorial Healthcare System, receives a Pfizer-BioNtech Covid-19 vaccine from Monica Puga at Memorial Healthcare System, in Miramar, Florida on December 14, 2020. - The United States kicked off a mass vaccination drive Monday hoping to turn the tide on the world's biggest coronavirus outbreak, as the country's death toll neared a staggering 300,000. (Photo by CHANDAN KHANNA / AFP) (Photo by CHANDAN KHANNA/AFP via Getty Images)

Mareykanka oo dadkiisa ka tallaalaya cudurka Covid-19

Himilo – Shaqaalaha caafimaadka ayaa noqday kooxdii ugu horreeysay ee laga tallaalo cudurka aafada ah ee Covid-19 ee Mareykanka, kuwaas oo hormuud u ah la dagaalanka feyruska dilaagga ah ee corona.

“Ku kalsoonow cilmi seyniska. Tallaalkani waxaa loo soo saaray si taxadar leh waxaana loo soo tijaabiyay si adag” ayuu yiri Dr Gregory Schmidt oo ka hawlgala qeybta gargaarka deg-degga ah ee ispitaalada Jaamacadda Iowa.

Sandra Lindsay ookalkaaliso caafimaad ka ah New York noqotayna qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka covid-19 gobolkaasi, ayaa u sheegtay muuqaal baahiyaha NBC inuu jiro iftiin muujinaya in la joogo dhammaadka marinkii dheeraa.

Hay’adda Mareykanka u qaabilsan cunnada iyo dawooyinka ee FDA, ayaa jimcihii tagay sheegtay in tallaalka ay soo saartay shirkadda Pfizer-BioNTech uu yahay mid la isticmaali karo badqabna leh, taas oo keentay in Axaddii loo daabulo shixnado sida tallaalka Covid-19.

Cudur dhaliyaha coronavirus, ayaa mareykanka waxa uu ku dilay dad gaaraya 301-kun oo ruux, halka 16.6 milyanna ay qaadeen, iyadoona ay sii kordhayaan tirada dadka qaadaya.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan