Home / Dibada / Mareykanka oo ka horyihimid go’aanka Israel ee deegaameynta cusub

Mareykanka oo ka horyihimid go’aanka Israel ee deegaameynta cusub

Dowladda Mareykanka ayaa dhaliishay qorshaha Israel ku dooneyso deegaameynta dhulka Falastiiniyiinta ee ay xoogga ku heysato.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa kulan uu la qaatay Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas iyo Ra’isalwasaaraha israel Benyamin Natenyahu.

Waxyaabaha Cabaas uu kala hadlay Antony waxaa ka mid ah in Mareykanka uu wax ka qabto wasiirrada xagjirka ah e booqanaya Masaajidka Al Aqsa iyo canshuuraha Maamulka Falastiin ee ay heysato Israel.

Israel ayaa canshuurihii ay u ururin jirtay maamulka Cabaas sheegtay in ay magdhow ahaan u siineyso Dadka Israel ee dhawaan ehelkooda lagu laayay bariga Quddus.

Antony Blinken, ayaa sheegay in uu u tagay halkaas xalka xiisadda u dhaxeysa labada dhinac iyo in aysan dhicin dagaalo kale isaga oo dhinacyada ugu baaqay in ay is xakameeyaan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan