Home / COVID 19 / Mareykanka oo oggolaaday isticmaalka tallaalka Covid-19

Mareykanka oo oggolaaday isticmaalka tallaalka Covid-19

Himilo – Hay’adda Mareykanka u qaabilsan cunnada iyo dawooyinka, ayaa oggolaatay in tallaalka ay soo saartay shirkadda Pfizer-BioNTech la siiyo dadka waayeelka ah amaba wajahaya xaaladaha kale ee caafimaad si ay kaga badbaadaan feyruska Karona.

Oggolaanshiyahaasi ayey ku tilmaamtay FDA guul muhiim ah oo laga gaaray cudurka aafada ah ee Covid-19, kaas oo Mareykanka ku dilay in ka badan 295,000 ruux.

Madaxweyne Trump oo go’aanka hay’adda kaddib hadlay ayaa sheegay in dalku gaaray wax uu ku tilmaamay mucjiso caafimaad maadaama sida uu xusay sagaal bil gudaheed lagu helay tallaal badbaado leh oo tabareysan.

Ololaha dadka looga tallaalayo cudurka dilaagga ah ee Covid-19, ayaa ka billaaban doona Mareykanka Isniin amaba Talaadada todobaadkan, sida uu sheegay xoghayaha caafimaadka dalkaasi.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan