Home / COVID 19 / Mareykanka: Waxaa halkii ugu sareeysay gaaray kiisaska Covid-19 tan iyo July

Mareykanka: Waxaa halkii ugu sareeysay gaaray kiisaska Covid-19 tan iyo July

Himilo – Kiisas ka badan 70,450 oo Covid-19 ah ayaa jimcihii laga diiwaan galiyay Mareykanka, taas oo ka dhigan kuwii ugu tirada badnaa ee maalin qura lasoo wariyo tan iyo bishii tagtay ee July.

Gobolada ugu badan ee kiisaska Coronavirus laga diiwaan galiyay waxaa ka mid ah California, Florida, Texas iyo Georgia. California oo kaliya waxaa laga helay feyruska 7,798 ruux jimcihii kaliya.

Mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa ka fikiraya hadda inay xabsiga ka fasaxaan 8-kun oo maxaabiis ah, si loo yareeyo feyruska sida xowliga ah u fidaya.

Marka laga soo tago dadka qaaday, waxaa u geeriyooday tiro ka badan 900 oo ruux maalin qura, sida lagu shaaciyay xog uu faafiyay telefishinka NBC.

Sida ay ka digeyso hay’adda caafimaadka dunida ee WHO, wali waxaa taagan khatarka cudurka COVID-19, iyada oo maalinba maalinta ka danbeysa ay kordhayso tirada dadka qaadaya. Waxaana qaaday feyruska dunida oo dhan dad ka badan 39,442-kun, kuwaas oo 3,864 kamid ah laga diiwaan galiyay dalkeena Soomaaliya.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan