Home / Cayaaro / Marina Granovskaia oo 12 sano kaddib ka tagtay Chelsea

Marina Granovskaia oo 12 sano kaddib ka tagtay Chelsea

Himilo – Marina oo a mid ahayd Madaxda Chelsea ayaa la xaqiijiyay in ay soo afjartay shaqadii ay kooxdaas u heysay 12 sano kaddib markii Kooxda uu iibsaday Nin u dhashay Waddanka Mareykanka.

Gabadhan oo heysata dhalashada Waddanka Canada sidoo kalena asal ahaan ka soo jeedda Ruushka ayaa ahayd qofka 2aad ee ugu awoodda sarreya xagga maamulka marka laga reebo milkiilaha.

Waxaa kale oo ay kooxda u qaabilsaneyd dhinac suuqa iyo soo iibinta ciyaartooyda, hayeeshee waxaa ay xaqiijisay in ay soo afjartay shaqadii Chelsea wixii ka dambeeya xagaagan.

Waxaa la rumesanyahay in Milkiilaha cusub uu doorkaas u magacaabay Andrea Berta oo ahaa agaasimaha ciyaaraha ee Kooxda Atletico Madrid.

Chelsea ayaa jaha wareer gashay sanadkan kaddib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine, milkiilaha kooxda eek a soo jeeda Russia lagu eedeeyay in uu saaxiib la yahay Putin, taas oo sababtay in cunaqabateyn la saaro laguna qasbo in uu kooxda iska iibiyo.

Milkiilaha cusub ee u dhashay Mareykanka ayaa kooxda kala baxay 4.25Bilyan oo lacagta Ingiriiska ah, taageerayaasha Chelsea ayaa u mahadceliyay milkiilihii hore oo 19 sano uu uu kooxda maamulayay kooxdu qaadday 19 koob oo ay ku jiraan 2 Champions League ah.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan