Home / Habka-Nolosha / Mario Balotelli oo muujiyay inuusan farxad dareemin waayihiisii Liverpool

Mario Balotelli oo muujiyay inuusan farxad dareemin waayihiisii Liverpool

Wiilka weerarka ka dheela Mario Balotelli oo si amaah ah ula jooga kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa xusay inuusan helin waqti farxadeed mudadii uu ku sugnaa gegada Anfield.

Mario ayaa adduun lacageed dhan £16m uga soo dhaqaaqay kooxda AC Milan bishii September 2014 si uu ugu biiro kooxda Liverpool, laakiin xagaagiisii koowaad ee gegada Anfield waa laga waayay qaab cayaareed cajiib ah oo joogta noqda, waxaana dib si amaah ah loogu celiyay kooxdiisii hore Milan.

25 jirkaan waayihiisa San Siro markale dhaawacyo ayaa dillooday oo dhantaalay hankiisa helidda safasho kulamo joogto ah.

Ma cadda in AC Milan ay si toos ah xiddigan ula soo wareegeyso dhammaadka xagaaga, laakiin wuxuu xusay in uusan jecleysaneyn ku laabashada Merseyside.

“Waxaan doonayaa inaan joogo Milan,” Balotelli ayaa sidaa ugu xog waramay Mediaset Premium.

“Ma doonayo inaan u laabto Liverpool. Weligey halkaa farxad kuma dareemin. Waxaana dheer Milan lacag ayaa taal.” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay Mario Balotelli.
Balotelli oo saddex sanadood la soo qaatay kooxda Manchester City ayaa tan iyo ku soo laabashadiisa Milan shabaqa gaaray keliya hal goor.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan