Muqdisho – Taniyo sanado dhowr ah, Mark Ching wuxuu ahaa ganacsade ku bixiya waqtigiisa iyo ilihiisa dhaqaale dib u xanaaneynta Eeyaha dulman ee Los Angeles – isaga oo gabaadna siinaya. Hayeeshe, wuxuu hadana aad ula socday ka ganacsiga hilibka Eeyaha ee dalka Shiinaha ka jira. Kadibna markii uu indhihiisa ku arkay sida loola dhaqmayo, wuxuu qaatay inuu soo badbaadiyo sida badan ee ah tirada Eeyaha ku nool qaaradda Asiya – xattaa haddii tani ay ka dhigan tahay in naftiisa ay halis u gasho.
Nolosha Mark waxay is-badashay sanadkii 2015 markii uu maqlay dhacdo sanadeedka loogu magac-daray Yulin Dog Meat Festival – oo ah fantasiyaha hilibka Eeyaha.
Wuxuu ogaa in Shiineeska iyo dalalka kale ee Asiya kala tirsan qaarkood ay cunno ahaan u cunaan hilibka Eeyaha. Wuxuuna taasi u aqbalay dhaqan ahaan. Hayeeshe wixii uu fahmi kari la’aa ayaa aheyd; tacdiibka ama jir-dilka lagula kaco Eeyaha kahor intaan la dilin – si hilibkoodu u macaado.
Ur ugama bixin arrintaas. Wuxuuse tikit u goostay Shiinaha gaar ahaan Yulin si uu wax badan usoo ogaado. Wixii ku dhacay indhihiisa runtii waxay ahaayeen kuwo naxdin iyo argagax ku beeray laabtiisa. Waxayna ku abuurtay inuu wax ka qabto mushkillada heysata Eeyaha – taas oo ka dhigtay inuu noqdo geyfane halis ugu bareeraya badbaadintooda inta uu ka awoodo.
Wuxuu bilaabay inuu safarro joogto ah ku kala bixiyo dalalka China, South Korea and Vietnam – isaga oo si gaar ah u booqanaya kawaannada lagu qalo Eeyaha; laguna iibiyo hilibkooda. Wuxuuna inta uu ka awoodo soo badbaadinayay tiro nugul oo Eeyo ah. Wuxuu maareeyey badbaada 249; hayeeshe kaliya 61 kamid ah ayaa badbaaday. Waana taas markii uu garowsaday inuu u baahan yahay la fal-galka kooxaha u dooda daryeelka xoolaha si marka uu kasoo badbaadiyo kawaannada ay u helaan daweyn iyo baxnaano.
Shaqadan uu hayana aalaba kuma helo nabad-galyo dhameys-tirkeeda. Wuxuu kala kulmaa jirdil, handadaad iyo wixii soo raaca kuwa ka ganacsada hilibka Eeyaha. Hayeeshe dareenka uu u hayo xaggooda ayaa ka dhigtay mid ka indha-saaban dhibaatada halista ah ee gaaraysa.
“Marka aad badbaadiso Ey; uuna aad kuu eego, waa sida amminta aad qof jeclaato. Waa cajiib. Ma u maleynayo in dadku garowsanayaan quruxda ku jira waxa aan sameynayo,” ayuu yiri Mark Ching.
U duulista Aasiya iyo la shaqeynta dadka gudaha, mararka qaar boqollaal Eeyo ah waa arrin adag hanashadooda, Ching-na wuxuu ku bixiyaa boqollaal Doolar oo lacagtiisa kamid ah si ay u dhacdo. Wuxuu leeyahay goob lagu iibiyo Eeyaha iyo Bisadaha la rabaayadeysto – taas oo qeyb ahaan ka saacida ol’olaha uu kusoo furanayo xayawaannadan cadaabka lagu hayo; aadna uguma tiirsana deeqaha kaga yimaada kuwa jecel noolaha – in kasta oo uu qiimeeyo shilin kasta oo kaga yimaada xaggooda.
Dadaalka ururkiisa Animal Hope and Wellness Foundation awgeed, Mark wuxuu ilaa iyo hadda kasoo badbaadiyay 1,000 Ey kawaanadda lagu iibiyo hilibkooda. Badigood waa la dabiibaa; waxaana xanaaneysta dadka gudaha waayo usoo daabulista dhamaantood dalka Maraykanka, waa ay adag tahay lacag ahaan. “Nasiib-darro, iyaga oo dhan mawada qaadi karo,” ayuu u sheegay The Dodo. “Maaliyad ahaan, waa laba daran mid dooro. Waxaanse qaadaa kuwa aadka u nugul; kuwa addimada ama xubnahooda kale waayay.”
Qaar kamid ah Eeyaha uu soo samata-bixiyo waxay ku jiraan marxalad liidata nolol ahaan oo xittaa aan suura-gal ka dhigeyn inay sii waaraan. Wuxuu inta badan gaarigiisa ku qaadaa marka uu dareemo in ay xaraarugayaan. Wuxuuna kusoo aasaa meel fog.
“Ugu yaraan wey ogaanayaan in waqtigoodii ugu danbeeyey nolosha uu qof siiyay daryeel,” ayuu yiri Mark.
Halis ugu bareerista badbaadinta kumaakun noole u baahan caawimaad, waa mid la mahdin karo. Hayeeshe, Mark wuxuu og yahay in tani in yar ka tahay dhibaatada lagu hayo Eeyaha ku nool Asiya.
Hey’adda Humane Society ayaa tilmaantay in 30 milyan oo Eeyo ah lagu qalo sanad kasta qaaradda Aasiya – halkaas oo 10 milyan oo kamid ah lagu gowraco Shiinaha. Waana taas sababta geynfanahan geesiga ah uu u naawilayo diiradda in la saaro mashruuciisa – si ay dadku kaga haraan cunista hilibka Eyga.
“Farriintaydu waxay noqoneysaa, ‘Waa laguugu nici karaa ka dhiidhinta falkan – dhaqanka gudaheenna mar ka jiray wuxuu ahaa addoonsi, laakiin maalin ayaan garwaaqsannay inaysan aheyn mid la aqbali karo; waana aynu ka harnay. Waxaan rumeysanahay wadamada falkan ku jira kama duwana middii aan soo marnay. Wayna dhamaaneysaa maalin un,” ayuu yiri.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.