Home / Macluumaad / Marka aan Sabirka kaashanno!

Marka aan Sabirka kaashanno!

Muqdisho – Tiirarka ugu weyn ee qofka u horseeda liibaan waarta iyo danbi dhaaf uu ka kasbado xagga Alle, waxaa kamid ah sabirka. Qof kasta wuxuu la miisaan yahay heerka uu ku eg yahay dulqaadkiisu. Si kooban marka loo yiraahdana, sabirku waa tallaabta kala reebta guulaha ay gaaraan dadka. Haddaanu jirin sabir la isku imtixaano, lama maqleen guuleystayaal iyo guul-darreystayaal.

Sida la yiri; dhib gadaashiis bay dheefi taallaa, waxaa lama huraan ah inaad dul-qaad u yeelato caqabadaha nolosha kaasoo waajaha kuwaa oo kaaga imaanaya waxa aad qabanayso iyo dadka aad wax la qeybsaneyso adiga oo aan lumineyn dareenka qalbi ahaaneed ee kugu abuuran.

Waxaa jirta hadal xikmadaysan oo laga qabtay Thoman Edison oo ahaa ninkii ugu horreeyey ee abuura ileyska laambada ama nalka. Wuxuu yiri; guul-darrooyinku inta badan waxay yimaadaan marka dadku aysan fahmin sida ay guushu ugu dhow dahay kahor intaysan is dhiibin.

Hadalkiisa waxaa daba socda sheeko cajiib leh oo ka dhigtay inuu noqdo qofkii ugu horreeyey ee laambad iftiimiya. Waxaa la tilmaamaa inuu 999 jeer uu isku dayay kahor intuusan ku shidin mar kunaadkii. Haddii uusan yeelan laheyn dul-qaad iyo sabir, kuma guuleysteen inuu iftiin ka dhaliyo laambadda. Dadaalkiisa awgeed, maanta waxaa laga mahdiyaa sabirkii iyo dhabar-adeygii uu ku xaqiijiyay duni iftiimaysa.

Inaad sabirto waa inaad naftaada geliso xabsi ka dhan ah doonisteeda. Sidaas darteed, qof kasta majecleyso inuu naftiisa xabsi u geliso doonisteeda. Inteenna badan waxaa naga tan badiya nafteenna iyo sheydaanka.

Mayeelano sabir iyo dulqaad qoto dheer oo dadka nala dhaqmaya aan u hibeyno. Taasi waxay qeyb ka noqotay mushkiladaha ku horgudban isku xirnaanta iyo wada dhaqanka suuban ee bulshada.

Diinteennu aad bay u bogaadisay dadka sabra. Suubanaha NNKH wuxuu yiri; Muslimiinta waxaa ugu kheyr badan kan dhibtiisa kala hara; toodana ku sabra. Waxaa kale oo uu yiri; qofka waxaa u wanaagsan inuu sabirka la saaxiibo.

Noloshii Nabiga waxaa ku sugan casharro badan oo dulqaadka iyo sabirka la xiriira. Kolkii uu dacwada ugu yeerayay bulshadiisa, waxay ula dhaqmi jireen sida qof cadow ah.  Way caayi jireen; handadi jireen; iyaga oo Jinnoole iyo wixii lamid ah ugu yeeraya. Mararka qaarna waxay daadin jireen dhiigiisa shariifka ah. Balse muusan aar-gudan, mana jecleysan in loo ciqaabo xaggiisa. Taas waxaa daliil u ah markii mid kamid Malaa’igta uu Suubanaha weydiiyay inuu amro labada buurood ee Daa’if ku hareeran ku huwiyo dadkii soo dhibay. Wuxuu ku yiri; waxaan Ilaahay ka rajaynayaa in dhabarkooda uu kasoo saaro kuwa xanbaara farriinta Eebe ee Islaamka.

Cafiska Nabigu u fidin jiray dadkii uu la-dhaqmi jiray malaheyn xuduud – xittaa marka lagu guda-jiro goobaha dagaallada. Waxaana jira sheekooyin badan oo kusoo ururay arrimahaas.

Markii Nabigu waayay dad uu aad u jeclaa oo uu ku jiray adeerkiis Xamsa dagaalkii Uxud, wuxuu ku nadray inuu si adag u ciqaabi doono gaaladii Qureysh. Eebe Weyne ayaa ugu wax-yooday in sida loo ciqaabay oo kale uu isna wax u ciqaabo. Waxaase la siiyay doorasho mar kasta muhiim u ah nafta iyo la-dhaqanka bulshada taas oo raadeysa mustaqbalka – mana ahan mid kale ee waa sabirka. Waxaa Suubanaha la faray inuu iska cafiyo kuwa ku gabood-falay; in la sabro ayaana qeyr badan.

Abaalka iyo samaha ku sugan sabirkana Alle unbaa xisaabi kara maalinta Qiyaamaha.

Sooyaalka Soomaaliyeed waxaa ku sugan sheeko iyo murti badan oo laga tilmaamay sabirka ama dulqaadka. Waxayna mar kasta aheyd hal-beegga lagu qiyaaso qof kasta oo bulshadii waagaas kamid ahaa.

Sabirku waa hanti aan sida cuntada ama dharka aan huwanno oo kale ugu baahannahay maalin kasta. Haddii nala dulmana waa inaan cafinaa; waayo waxaan og nahay inaan u baahannahay cafis marka aan wax dulminno. Hadii aynu rabno inaynu is-jeclaanno, waa inaynu baranaa sida la iskugu dulqaato.

Maanta oo la yimid nolol magaalo oo wax kasta ay fudud yihiin, inaan laga tegin dulqaadka iyo sabirka wali waa lama huraan. Inaad dulqaad u yeelato taada iyo tan kaala dhaxeysa mujtamaca waxay muhiim u tahay dhismaha bulshada. Haddii qof kasta oo inaga mid ah uu naftiisa ka bilaabo dulqaadka, waxaa hubaal ah in dadkeennu muddo kooban kaga gudbi karaa mushkiladaha guud iyo kuwa dhexdeenna ka jira.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan