Home / Macluumaad / Marka dhibanaha lagu sooco dhibkiisa

Marka dhibanaha lagu sooco dhibkiisa

Muqdisho – Wiil Hindiyan ah oo ku dhashay afar lugood ayay ku saleeyeen “Sheydaan” dadka xaafadda la dagan–taas oo ka dhigtay inuu gaar-jooge ka noqdo bulshada dhexdeeda.

Arun Rajput, oo 20-jir ah, oo ku nool degmada Farrukhabad ee Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya, hadda wuxuu naawilayaa in qalliin lagu sameeyo uu maan-gal ka dhigi doono inuu nolol cusub anba-qaado.

Wuxuu yiri: “Dadku way igu qoslaan. Waxay iigu yeeraan sheydaan,”

“Qofna ima qadariyo. Waayo waxaan u muuqdaa si kale.”

“Hayeeshe, waxaan rabaa inaan mid kamid ah noqdo. Waxaan rabaa inaan sida ragga kale u shaqeysto.”

Hadda Rajput oo ah curadka afar walaalihiis ah, wuxuu u haliilayaa qalliin lagu sameeyo–kaas oo u suura-galiya inuu waxbarto: riyadiisa noloshana uu kaga rumeeyo taas oo ah inuu bare noqdo mustaqbalka.

Dheeraadka xubnood ee adimada Rajput oo la rumeysan yahay inay korriimo joogsadeen, waxay ka dhigan tahay inaanu si fiican u fariisan karin–socdaalkuna wuxuu ku noqday raaxa-beel maadaama uu dawaar si gaar ah ugu sameeya dharka aanu heli karin had iyo jeer.

Hooyadiis, Lila Devi, oo 45-jir ah, waxay sheegtay inaysan ku rumeysan weyday indhaheeda markii uu dhashay.

“Wuxuu dhashay 12 sano kadib guurkayga,” ayay tiri.

“Kolkuu dhashay aad buu u nuglaa, waxaynu u qaadnay dhaqaatiir badan balse midkood hubaal nooguma daweyn,”

“Dadku waxay ugu yeeraan magac xun. Waxay i lureysaa kolkay sheydaan ku sheegaan. Waa wiil fariid ah inankayga.”

Qoyska saboolka ah ee Rajput, kuwaas oo beeraha lima, waxay kadib tacaal iyo tabantaabo dheer, hadda ku karantilaan inankooda guriga maadaama aysan awoodin qarashka ku bixi kara qalliinkiisa.

“Waa howlkar doonaya inuu ku noolaado qadarin,” ayuu yiri jaarkiisa.

“Waan rajeynayaa in maalinkay noqotaba laga reebi doono addimada ku dheeriga ah. Markaasna uu nagu soo biiri doono.”

dh2-300x240 dh1-300x219

Qore: Zakariya Hassan “Hiraal”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan