Home / Macluumaad / Marka Dhibanuhu Cafiyo Midka Dhibaateeyey!

Marka Dhibanuhu Cafiyo Midka Dhibaateeyey!

Muqdisho – Haweeney lagu dhaawacay dhalo cabitaan xilli ay ku sugneyd baarka Minnesota Applebee – sababta ay af-gurigeeda ugu hadashay awgeed – ayaa waji-ka-waji uga hortimid qofkii dhibaateeyey gudaha maxkamadda; waxayse u fidisay cafis.

Jodie Burchard-Risch, oo 44-jir ah waxaa lagu riday xukun dhan 180 maalmood inay ku qaadato xabsiga kadib markii ay qiratay inay dhaawac halis leh gaarsiisay Asma Jaamac.

Marka loo eego dacwad-danbiyeedka, Burchard-Risch waxay casho ka cuneysay maqaayadda Applebee markii ay maqashay Asma oo ah gabar Muslimad ah taas oo kula hadlaysay af-Sawaaxili reerkeeda – wayna ka xanaaqday.

Dukumentiga ayaa lagu qoray sida Burchard-Risch ay qeyla-dhaan ugu yeertay Asma inay af Ingiriis ku hadasho ama ku laabato dalkii ay ka timid. Waxayna xittaa iska diiday inay ka tagto markii shaqaalaha maqaayadda isku dayeen inay fara-geliyaan.

La’aanta wax cad oo lagu tilmaamo falkeeda, Burchard-Risch oo ag-fashisay meel u dhow Asma ayaa kusoo tuurtay galaas dhalo ah, waxayna uga dhifatay wajiga kahor inta aysan cararin.

Waxay kaga tagtay Asma oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray baarka kore ee isha iyo bushinta hoose ee afka. Waxayna martay qalliin halis leh oo dib loogu hagaajiyay dillaaca soo gaaray bushinta iyo baarka oo laga tolay.

Asma Jamac oo Minnesota uga timid dalka Keyna xeryaha qaxootiga ah ee ku yaalla – haddana ah muwaadin Maraykan ah, ayaa sheegtay inaysan abid fileyn in loo wax-yeeli doono noqoshada midab kale.

Waxaa kale oo ay sheegtay in fad-qalaladani ay ku reebtay inay nafteeda u cabsato.

“Waxaan ahaa qof xor ah, hadana meelna uma aadi karo naftayda,” ayay tiri Jamac.

Iyada oo dib u celinaysa ilmadeeda, Jamac waxay sheegtay inay wali laxawga ay ka heshay dhaawac gaaray la nooshahay maalin kasta, hayeeshe aysan uurka ugu heynin wax nacab ama uur-ku-taallo ah Burchard-Risch.

“Diintaydu waxay i baraysaa inaan dadka cafiyo si aan nolol fiican ugu noolaado,” Asma ayaa u sheegtay Burchard-Risch. “Qof kasta oo halkan jooga hortiisa, ayaan kugu cafinayaa, waxaana aan rajaynayaa inaad naceybka ku badasho jaceyl. Waxaan rabaa oo kaliya inaad fahamto inaan isku mid nahay.”

Asma 1 Asma 2 asma 3 asma 4

Isha: radiohimilo.so

Qore:Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan