Home / Macluumaad / Marka Dowladdeennu aysan Musuqmaasuq lahayn!

Marka Dowladdeennu aysan Musuqmaasuq lahayn!

Muqdisho – Ficillada ragaadiga ah ee dib ula hara umadaha musuqu u yahay qeyb kamid ah nolol maalmeedkooda, waa caadiyan inta aad ku arki karto maamul kasta oo ka dhismay dalka taniyo madax-bannaanida. Heerka laga kala joogo ku dhaqankiisa unbaa kala sarreysa, hayeeshe taariikda musuqmaasuqa waa mid lasoo hana-qaaday bilowgii dowladnimadeenna.

Sidaas darteed, dib markaad u tiriso waxa musuqu uu ina biday ama nooga lumay gadaashiisa, waxaan ogaaneynaa inaysan jirin wax laga mahdiyay ficilladiisa. Nasiib-darro, 50-sano kaddib oo dalku uu isku diyaarinayo hanashada sharafkii ka lumay iyo wax la qeybsiga umadaha qeyrkiisa ah, wali boogtii musuqu nagu dhigay lagama bogsan.

Su’aalaha maankayga daaliyay waxaa hadiyo jeer ugu weyn: War musuqu miyaan wali loo arkin musiibo qaran?!

Dabcan maya! Haddii aan musiibo u arki lahayn musuqmaasuqa, lama waayeen sidii looga gegsan lahaa. Sooyaalkeenna waxaa ku xusan in dowlad kasta oo dalkan soo martay ay si cad u dhaqan-gelisay falsafadda xun ee wax is-daba-marinta. Marna madhicin in wax la iska weydiiyo hadimada musuqa iyo sida looga adkaan karo. Wax fudud ayay iska noqotay in dowladba midda kasii danbeysa ay dhaxal ahaan ugu reebto raadka musuqa.

Caqabadaha ragaadiyay horumarka dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaalla, musuqa waa iinta kaliya ee la degtay wax-qabadkeeda. In kasta oo aan si dhab ah loo fahmi karin sababta qasbaysa ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee musuqmaasuqa, haddana taasi kama dhigna inaan laga adkaan karin. Inaad aragto sida lama huraanka ah ee qof walba dantiisu kaga xirtay adeegsiga laaluushka, micnaheedu ma ahan inaan sida fiican looga weecan karin.

Sideedaba, marka aan ogsoonnahay in duni aan musuq ka jirin ay naga nolol iyo barwaaqo badan tahay, waa inaynu is weydiinnaa waaya’aragnimada ay ku heleen nolosha ka madax-bannaan musuqmaasuqa. Markaas ayaan garowsan karnaa waxa inala gudboon si aan uga taqalusno.

Marka Dowladeennu aysan Musuqmaasuq lahayn – waxaa sare u kacaya dakhliga qofka Soomaaliga ah. Waxaa hoos u dhigmaya heerka gaajada iyo macluusha ay la diihaalsan yihiin kumaankunka Soomaaliyeed oo abaar kasta ku rafaada. Waxaa la helayaa shaqo abuur qof walba u suura-geliya inuu noloshiisa u helo dakhli uu ku maareeyo.

Danbiyada iyo gaboodfallada ku dhasha is-maan-dhaafka iyo sedbursiinada ayaa yaraanaya. Dagaallada sokeeye ee soo noqnoqda kuwaas oo ku dhasha ku heshiin-waaga iyo wax is-daba marinta ku salaysan nin-tooxsiga ee kheyraadka lawada leeyahay ayaa tirmi doona.

Waxaa intaas dheer, dowladdu waxay helaysaa shacab u aaminsan hebedna ugu ah sida awrka hayin. Taas waliba waa marka aad maqasho in shacab-weynaha adduunku ay dowladahooda aan musuqa aqoon ay u garab istaagaan xilliyada adag oo ay ku jiraan. Waayo dadweynuhu marka ay og yihiin in dowladdooda aysan xatooyo kula kacaynin, hantida ay ku heystaan aqalladooda xittaa waxay ugu dhigi karaan rahan: amaahna way u siin karaan si ay dhaqaalaheeda ugu kabato.

Tusaale ahaan, 70-meeyada markii qaaradda Asiya ay gashay dhaqaale burburka iyo hoos u dhaca ku yimid lacagta, Koofur Kuuriya waxay kamid ahayd dalalkii ka badbaaday burburkaas. Waxa lagu yaabay ayaa ahayd in shacabka dalkaas ay isugu soo baxeen xarumaha dowladda iyaga oo sida dhamaan keydkii ay guryaha ku heysteen. Haweenku waxay keeneen gebi ahaan wixii dahab ahaa oo ay lahaayeen. Raggu waxay qasnadahooda kasoo saareen raasamaalkii ugu jiray koontada.

Markii ay dowladdu dhaqaalaheeda ku kabtay lacagta ay shacbigu iska soo ururiyeen, waxaa u fududaatay inay ka badbaato musiibadii dhaqaale xumi ee soo food-saartay dalalkii kula yiillay qaaradda Aasiya.

Sidaas darteed, halka aynu meel-dheer iyo dhinacyo badan ka raadinayno yeelashada iyo noqoshada umad isku filan, waxaan qabaa inaan ka bilowno cirib-tirka musuqa. Dhammaan mushkiladaha kale waxay baabi’doonaan marka laga adkaado. Nabad-gelyada oo ah aas’aaska iyo baahida koobaad ee ka maqan Soomaalida oo dhan xittaa waxaa lagu heli karaa iyada oo meel looga soo wada jeesto falsafadda xun ee musuqa. Waayo amniga waa nimco. Wuxuu ku waaraa cadaalad. Wuxuuna ku dumaa cadaalad-darri. Cadaalad-darriduna waxay ku hoos nooshahay musuqmaasuqa.

Si kastaba, maanta oo aan leennahay aqoon-yahanno badan oo xog-ogaal u ah is-beddelka dunida ka jira siyaasaddana qeyb ka ah, waa muhiim inay waaya’aragnimadooda ku daraan Alle ka cabsi. Waayo markii Nabi Yuusuf uu Boqorkii Masar weydiisanay inuu xilka u magacaabo, wuxuu isku sifeeyey inuu yahay: Aamin aan ku takri-falin ama aan xadaynin xoolaha umadda iyo Aqoon-yahan cilmi buuxa u heysta howsha loo igmaday.

Markaas ayaa si lamid ah Koofur Kuuriya loo heli karaa shacab aaminsan kuna kalsoon dowladdooda. Inta ka sokeysa, dadaallada aan heyno waxay mar kasta ku danbeynayaan dhicis iyo madhalays aan lahayn natiijo loo aayo.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan