Marka uu macalinku sababsado geerida ardaygiisa

Nairobi – Gabar yar ayaa ku dhimatay sababta macalimaddeeda aan dhimirsiga lahayn iyo wax-ma-garato ku fasal ahaa gudaha Kenya.

Joy Wangari, oo 10-sano jir ah, waxaa la garaacay ilaa dhimashadeeda kadib markii baraheeda ay amartay in ardaydu dhangadeeyaan waayo waxay aqrin weysay casharka fasalka.

Macalimadda ayaa iskaga carartay goobta kadib maqalka geerida inanta yar.

Wangari ayaa ahayd ardayad dhigata Mukandamia Elementary School.

Macalimadda ayaa warsatay ardayda inay aqriyaan leyli maalmeedka, hayeeshe markii ardaydu ay u sheegeen in Wangari aysan aqrin karin, waxay u sheegtay inay garaacaan ama ku qaadan waxa Soomaalidu tiraahdo Washamsi. 

Waalidiinta ayaa sheegay in macalimaddu ay shaqadeeda ku dayacday gacmaha ardayda.

Si kastaba, waxay soo if-baxay markii Wangari u dhimatay dhaawicii kasoo gaaray garaacista.

Kadib garaacista, gabadhan yari waxay u cabatay maamulaha iskuulka, hayeeshe waxba looma qaban oo aan ka ahayn in loo fasaxay gurigeeda oo ay kula nooleyd ayeeyadeeda jirta 86 sano.

Gabadha waxaa loo qaaday isbitaal halkaas oo ay u dhimatay dhaawaca gaaray.

Waalid kale, oo lagu magacaabo Simon Mureithi, ayaa sheegay in falkani uusan ahayn kii ugu horreeyey ee ka dhaca iskuulkan oo macalinku ku wax-yeelo ardaygiisa.

Mureithi ayaa sheegay inuu kala baxay canuggiisa iskuulkan kadib markii uu garaacay macalinkiisa. Wuxuu tilmaamay inay jiraan falal kale oo wuxuushnimo ah oo macalimiintu ku wax-yeelaan ardaydooda.

“Waxaynu dooneynaa in barayaal naxariis leh lagu badalo kuwo aan garan karin sida loogu dhimriyo carruurta,” ayuu yiri Simon Mureithi.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan