Home / Macluumaad / Marka uu macalinku sababsado geerida ardaygiisa

Marka uu macalinku sababsado geerida ardaygiisa

Nairobi – Gabar yar ayaa ku dhimatay sababta macalimaddeeda aan dhimirsiga lahayn iyo wax-ma-garato ku fasal ahaa gudaha Kenya.

Joy Wangari, oo 10-sano jir ah, waxaa la garaacay ilaa dhimashadeeda kadib markii baraheeda ay amartay in ardaydu dhangadeeyaan waayo waxay aqrin weysay casharka fasalka.

Macalimadda ayaa iskaga carartay goobta kadib maqalka geerida inanta yar.

Wangari ayaa ahayd ardayad dhigata Mukandamia Elementary School.

Macalimadda ayaa warsatay ardayda inay aqriyaan leyli maalmeedka, hayeeshe markii ardaydu ay u sheegeen in Wangari aysan aqrin karin, waxay u sheegtay inay garaacaan ama ku qaadan waxa Soomaalidu tiraahdo Washamsi. 

Waalidiinta ayaa sheegay in macalimaddu ay shaqadeeda ku dayacday gacmaha ardayda.

Si kastaba, waxay soo if-baxay markii Wangari u dhimatay dhaawicii kasoo gaaray garaacista.

Kadib garaacista, gabadhan yari waxay u cabatay maamulaha iskuulka, hayeeshe waxba looma qaban oo aan ka ahayn in loo fasaxay gurigeeda oo ay kula nooleyd ayeeyadeeda jirta 86 sano.

Gabadha waxaa loo qaaday isbitaal halkaas oo ay u dhimatay dhaawaca gaaray.

Waalid kale, oo lagu magacaabo Simon Mureithi, ayaa sheegay in falkani uusan ahayn kii ugu horreeyey ee ka dhaca iskuulkan oo macalinku ku wax-yeelo ardaygiisa.

Mureithi ayaa sheegay inuu kala baxay canuggiisa iskuulkan kadib markii uu garaacay macalinkiisa. Wuxuu tilmaamay inay jiraan falal kale oo wuxuushnimo ah oo macalimiintu ku wax-yeelaan ardaydooda.

“Waxaynu dooneynaa in barayaal naxariis leh lagu badalo kuwo aan garan karin sida loogu dhimriyo carruurta,” ayuu yiri Simon Mureithi.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan