Home / Macluumaad / Marka uu Musuqu  inaga dhigo kuwa Jaahiliin ah!

Marka uu Musuqu  inaga dhigo kuwa Jaahiliin ah!

Muqdisho – Musuq waa lunsasho hanti dadweyne kana dhici kara goob si gaar ah loo leeyahay ama rug danta bulshada loogu adeego. Waxaa lagu tusaaleeyaa laaluush, dhagar, wax is-daba-marin iyo qaraabo-kiil intaba.

Waddamada qaar, qofka ku dhaqaaqa musuqa waxaa lagu xukumaa dil toogasho. Nguyen Xuan Son oo ahaa maareeyihii Bankiga Ocean Bank ee dalka Vietnam ayaa dil toogasho ah lagu xukumay kadib markii uu ku kacay Musuq-maasuq.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka lagu tiriyo liiska musuqa sida ay warbixinteeda kusoo saartay Hay’adda Transparency International oo sanadkiiba mar soo ban-dhigta qoraallo la xiriira heerka musuqa ee adduunyada. Sanadkii 2016 ayay kaalinta koowaad wada ciriirsadeen Waqooyiga Kuuriya.

Baaxadda Musuqmaasuqa Soomaaliya ayaa maraya meeshii ugu sarreysay taasi oo dadka khuburada sabab uga dhigaan isla xisaabtan la’aan ka jirta nidaamka dowliga iyo Guddi adag oo la-dagaalanka Musuqa oo aan jirin. Dadka falanqeeya ayaa sheega in haddii la helo labadan uu dalku noqonayo mid u diyaarsan in uu tiigsado horumar barwaaqo leh.

Goobaha ugu badan oo musuqu ka jiro waxaa kamid ah canshuurta dakhli ee madaarada,  dekedaha, deeqaha caalamku Soomaaliya u qoondeeyo sida; dhqaalaha iyo wax-barashada, xafiisyada dowliga iyo kuwa aan ahayn intaba.

Bilowgii xornimada waddanka 1960-kii, waxa uu ku soo barbaaray sinnaan la’aan iyo eex taasi oo hadda miraheeda laga guranayo guud ahaan dalka. Markaas waxaa lagu dhibanaa qaabka loo qeybsado awoodda oo xilalka ugu sarreeya loo calamadeeyay beelo gaar ah. Sagaalkii sano ee ugu horreeyay xornimada wadanka ee nidaamkii daakhiliga ahaa  ayaa la tilmaama kuwii ugu musuqa badnaa magac  ahaanna loogu yeeray Hooyadii Musuqa.

Nidaamkii Milatariga ayaa af-genbi aan dhiig ku daadan kula wareegay dalka mana ka marrneyn  eedeymaha mararka qaar loo diri jiray oo ku saabsanaa cadaalad-darro iyo ku-tagri-fal awoodeed.

Kadib dhicista dowladdii Kacaanka 1991-kii, waxay jiilkii ku dhashay nidaamka dowlad la’aanta  ay la jaan-qaadeen cadaalad-darro saameynteedu gaartay in la isku qab-qabsado hantida maguurtada ah sida; guryaha iyo beeraha.

Culimada, wax-garadka iyo murti-maalka ayaa si isugu mid ah bulshada uga wacyi geliya ka fogaanshaha ku dhaqanka Musuqa ama wax-is-daba marinta. Hal abuurradii ka gabyay waxaa kamid ah:

Abwaan Sayid Maxamad Cabdille Xasan oo yiri;

Musuqmaasuq Soomali waa meheradeediiye,

                                  Hadba midab horley kuula iman maalin iyo leyle.

Sidoo kale, abwaan Maxamuud Xirsi isaguna waxa uu yiri;

Musuqmaasuq baa daashadiyo, damaca laaluushe;

                                 Danayste iyo darleef baa fadhiya, duunyo xaabsada’e;  

                                 Sida diirataday ugu mameen, maal dad leeyahaye.

Wax-yaabaha dadku is weydiinayaan waxaa kamid ah: marka dal dadkiisu dhalinyaro yihiin 75% – haddana lagu baraarujiyo in ay ku dhaqaaqaan cadaalad-darro – siduu noqon doonaa aayaha nololeed ee dalka sanadaha soo socda?!

Haddii madaxdeennu  ay si dhaba u aqoonsadaan  dhibaatada Musuqa waxaa laga yaabaa in ay soo baxaan jiil u heelan horumar wax-barasho oo dalka ku hogaamiya heer sare oo uu noqdo mid ka mid ah dalalka caalamka ugu wanaagsan, waase haddii si sax ah loogu hoggaamiyo mid cadaalad ah.

Qore: Maxamed Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; mohassan484@gmail.com.

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan