Muqdisho – Waalidiinta dhibane lagu toogtay New Hampshire kaliya maysan cafin ninkii dilay cunugooda, hayeeshe waxay sidoo kale ugu deeqeen inay ka caawiyaan bilaabashada noloshiisa cusub.
Christopher Bazar waxaa laga dhaafay muddo-xiliyeedka uga dhiman xabsigiisa uu ku galay toogashada saaxiibkiisa rumaad, Donald St. Laurent, kadib markii uu ku qaatay saddex sano gudaha jeelka. Wuxuuna waalidiinta inankii uu dilay uga mahad-naqay siday ugu deeqeen shaqo iyo meel uu ku noolaado marka uu kasoo dhamaado xabsiga.
Deborah St. Laurent oo ku nool Nashua waxay sheegtay inay doonayso in Bazar uu la noolaado marka uu soo baxo.
“Waa wiilkayga kale,” ayay u sheegtay war-fidiyeenka. “Wiilkaygu wuu jeclaa isaga; aniguna waan jeclahay wiilkayga in ka badan nolosha.”
Bazar iyo Donald St. Laurent waxay ahaayeen isku fasal markii si kama’ ah uu u toogtay bishii December sanadkii 2011.
Wuxuu sheegay inuu cabsanaa; uuna soo cabay maandooriyaha marijuana waqtigii shilku dhacay, sida laga soo xigtay.
Waalidka wiilka la dilay aalaaba waxay taageerayeen Bazar iyaga oo weydiistay maxkamadda in xukunka laga fududeeyo. Guddiga maxkamadda ayaana guntii garowsaday qadarinta go’aanka ay waalidiintu ka taagan yihiin dilaaga inankooda.
Markii guddigu aqbalay inay fasaxaan Bazar, waxaa hab wada siiyay saaxiibada xubnaha qoyskiisa.
“Waa gabagabada waddo dheer iyo bilowga mid cusub,” Bazar ayaa u sheegay warbaahinta. “Waa maalin wanaagsan. Waana maalin weyn.”
Sii deyntiisa kadib, Bazar wuxuu toddobaad kadib la shaqo bilaabay shirkad uu leeyahay wiilka uu dilay aabihiis.
“Waxay ila tahay inuu sameystay tiisa,” ayuu yiri aabe Laurent. “Waxaan filayaa inay tahay is-baddal ay tahay inuu la noolaado inta noloshiisa kaga dhiman. Waxaa kale oo aan rumeysanahay in dadka oo dhami u qalmaan fursad labaad in la siiyo.”