Home / Macluumaad / Markay Dadka iyo Dugaagtu Nolosha qeybsadaan!

Markay Dadka iyo Dugaagtu Nolosha qeybsadaan!

Muqdisho – Wax ku bilowday shaqo fudud ayaa isku badalay gacaltooyo jaalenimo oo xeel-dheer taas oo dhex-martay nin iyo mid kamid ah miciyaleyda halista ee arlada guudkeeda saaran. 10 sano kahor, Abdullahi Sholeh wuxuu barbaariye u noqday shabeel 3-bilood jir ah, hayeeshe waxay noqdeen kuwo isku dhow xittaa markii shabeelku weynaaday. Waxay wada qaateen ugu badnaan daqiiqad kasta oo maalinti ah – iyaga oo mararka qaar jiifsada meel qura.

Mulan Jamillah oo ah shabeel dhedig waxaa loogu deeqay madrasada Islaamiga ah ee Malang oo ku taalla Indonesia, markii ay saddex bilood jirsatay kadibna 25-jirka Abdullah Sholeh ayaa noqday daryeelaha joogtada ah. Milkiilihiisii hore ma awoodin inuu daryeel siiyo, hayeeshe da’yarkan ardayga ah wuxuu aad ugu faraxsanaa in waqtigiisa qeyb kamid ah uu u gooyo daryeelka iyo xanaanada shabeelka. Dhibka kaliya ee jira waa in wax u bilowday si ku meel-gaar ah ay isku rogtay saaxiibtinimo joogto ah taas oo Abdullahi ku qasabtay in 24-kiisa saac uu la qaato shabeelka oo uu ugu magac-daray Nanny.

“Haddii aan guriga joogin, Mulan waxay isku dayaysaa inay isoo hesho. Way wareersan tahay,” Abdullahi ayaa saddex sano kahor u sheegay Barcroft TV. “Waana taas sababta aan had iyo jeer ula jiro si aan u seexiyo; u quudiyo; waana sida aan maalmahayga kula qaato.”

Tanise ma ahan mid la weyn xaggiisa. Way wada dheelaan; wada cunaan, mararka qaarna wada seexdaan. Hayeeshe tiiyoo ramashada Mulan ay u muujiso saaxiibka Aadanaha ah, Sholeh wuxuu sheegay in aalaaba ay dhaqdhaqaaqiisa la socto.

“Lafal-galkeeda kama duwana sida Bisada oo kale. Way ku xaganeysaa; ku qaniinaysaa, waxaad ka baranaysaa dabci fiican,” ayuu yiri.

Intii ay wada dheelayeen; waxay soo gaarsiisay dhaawacyo u badan xagtimo wajiga ah, wuxuuse tani ku tilmaamaa astaan u taagan xiriirka fiican oo uu la leeyahay micileydan naxariista u baahan.

Abdullah wuxuu Mulan ku quudiyaa 6kg oo digaagad ama hilib ari ah, taas oo mararka qaar uu ku siiyo afkiisa.

Saaxiibtinimadoodu waxay kobcaysay taniyo 10-kii sano ee lasoo dhaafay, Abdullahina wuxuu sheegay inay in badan iskaga dhow yihiin sidii hore.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan