Home / Habka-Nolosha / Martin Odegaard Oo looga gacan haatinaayo England

Martin Odegaard Oo looga gacan haatinaayo England

Inkastoo aan la shaacin qiimaha ay ku dooneyso, iyo hadii ay amaah ku dooneyso intaba, kooxda LIverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dooneyso xidiga Real Madrid Martin Odegaard.

Xiddiga dhallinyarada ah ee sida weyn loogu qiimeeyo ka ciyaarista qadka dhexe ayaa u muuqda inuu heshiis amaah ah uga tegayo kooxda reer Spain ee Real Madrid, waxaana dooneysa kooxda reer France ee Ouest France, si la mid ah Rennes.

Odegaard ayey u badan tahay inuu ka tago Los Blancos 48da saacadood ee soo aadan, Liverpool ayaase tartan ku aadan saxiixiisa kala kulmeysa kooxo waa weyn oo Yurub ah.

Waxaana kooxahaas ka mid ah West Ham iyo Liverpool, kooxaha reer Germany Bayer Leverkusen, Hamburg iyo Ajax Amsterdam oo dalka Holland ah.

Real Madrid ayaa xiddigaan kusoo iibsatay 4 milyan oo euros, laakiin heshiiskiisu wuxuu mustaqbalka gaari doonaa 8.5 milyan oo euros haddii lagu daro lacagaha gunnada ah, wuxuuna sannad ka hor uga soo biiray kooxda Stromsgodset ee dalkiisa Norway.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan