Home / Macluumaad / Masha Allah – Nin si cajiib leh ugu muslimay gacanta nacab Islaamka.

Masha Allah – Nin si cajiib leh ugu muslimay gacanta nacab Islaamka.

Muqdisho – Nin maqlay yeermada hoggaankii hore ee Leegada Difaaca England, Tommy Robinson  oo fogaan-araga qaranka kaga soo muuqday isaga oo nuqul kamid ah Qur’anka haya – una sheegaya dadka inay aqriyaaan, ayaa waanadiisa u qaatay si dhab ah: wuuna islaamay.

“Wuxuu yiri aqriya Qur’anka – isaga oo moodaya inay dadku nici doonaan Islaamka. Hayeeshe waxaan arkay runta. Waana islaamay,” ayuu yiri Christos Onassis, oo hadda la baxay Abdul-bari.

“Ninkani muusan ogeyn waxa uu ka hadlayo. Xittaa ma heysan nuqul kamid ah tafseerka Qur’anka,” ayuu sii raaciyay.

Robbinson ayaa fogaan-araga kaga soo muuqday barnaamijka Good Morning Britain halkaas oo gacanta uu ku hayay Qur’anka – isaga oo sheeganayay inuu xanbaarsan yahay farriin qalalaaso.

Markii uu carcaariyay daadiyaha barnaamijka, Robbinson wuxuu ku yiri; “Horta wali ma aqrisay buugan.”

Muuqaalkiisa kadib, IlmFeed ayaa farriimo badan ka heshay dadka aan Muslimiinta ahayn oo weydiisanaya in la siiyo nuqul kamid ah Qur’anka.

Saddex bil kadib, Christos Onassis oo hadda loogu yeero Abdul-bari wuxuu Tommy kaga mahad-celiyay fursadda uu u siiyay inay runta abaaraan.

tommy-robinson-quran tommy-robinson-quran-translation

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan