Muqdisho – Shanta waqtiga ee salaadaha – hal xirmo oo jimicsi ah waa mashruuc samafal ah oo koox ardayda dalka Turkiga kamid ah ay soo qaban-qaabiyeen.
Mashruuca wuxuu isku keenayaa dadka da’da culus ee Masaajidda ku cibaadaysanaya oo ku nool Dumlupinar: hadafku waa inay caafimaad dareemi karaan hadiyo jeer.
“Isboortigu waa howl gaar ah oo si gaar ah da’deenna oo kale u fiican,” ayuu yiri Mustafa Kandemir oo kamid ah ka qeyb-galayaasha. “Muhiim ayay inoo tahay.”
Labka u dhaxeeya da’da 50-jir ilaa 70-jir ayaa xaadira tababbarada ka socda afar Masaajid oo kamid ah degmada oo marka ay gutaan shanta salaadood ee waajibka ah bilaabaya jimicsiga.
Fikraddani waxay kasoo bilaabatay dugsiyada wax-barashada oo maadada Jimicsiga toddobaadkiiba mar la siiyo waxaana taabba-geliyay arday dhigata Jaamacadda Dumlupinar.
Waxay rajeynayaan in dad badan ay qeyb ka noqon karaan.
“Waxaan doonaynaa in duqowdeennu ay jeclaadaan ciyaaraha oo ay leyli joogto ah sameyn karaan,” ayuu yiri Oguzhan Buluslu oo ardaydan kamid ah. “Habkani wuxuu faa’iido u yahay bulshadeenna iyo dalkeenna.”