Himilo – Haddii ay dhacdo inaad maalin uun booqato masjidka Mir Mahmood Saheb ee ku yaala magaalada Heydarabad ee wadanka India waxaad layaabi doontaa qaabdhismeedkiisa huwan heybadda iyo cabsidaba.
Waxaa bedkiisu yahay 9.2 x 12 fiit oo u dhiganta 10.3 mitir laba jibbaaran, waxa uu leeyahay laba minaaradood. Cabirkiisa dartiis waxaa loo tixgaliyaa masjidka ugu yar caalamka waxaana markiiba ku tukan karta kaliya shan ruux.
Masaajidkan yar ayaa la rumeysan yahay in la dhisay horraantii Qarnigii 16aad markii xeebta Andhra iyo degaano kale uu Sultan Quli ku daray dhulka boqortooyadii Qutb Shahi ee xukumi jirtay koofurta India.
Dhai Seedi Ki oo ku yaala bartamaha India oo loo rumeysan yahay rasmi ahaan masjidka ugu yar dunida, wuu ka ballaaran yahay Mir Mahmood Saheb marka loo eego dhulka uu ku fadhiyo oo gaaraya 16 mitir laba jibbaaran.