Masku waxa uu leeyahay 1,800 oo lafood!

Himilo – Inta la ogyahay 3,789 jaad oo mas ah ayaa maanta ku nool caalamka, kuwaas oo 140 ka mid ah ay ku nool yihiin Australia. Waxey leeyihiin hal madax iyo laba indhood waxaase la arkaa kuwa leh laba madax amaba seddax indhood mase badna.

Maska oo wax ku uriya carrabkiisa, 3-6 jeer ayuu sanadkii xuub siibtaa si jirkiisu u koro. Waxa uu halkii mar furi karaa afkiisa 150 digrii, taas oo u ogolaaneysa inuu liqo cunno xajmi ahaan ka wayn isaga 75%, sida ay daabacday mareegta nationalgeographic.

Hab-dhiskiisa dheef-shiidka oo aan xooganeyn darteed, ma cunaan cunno badan si la mid ah xamaaratada kale, boqorka maska ugu caqliga badan ee Kobra waxaa dhacda inuusan wax cunin muddo bilooyin ah.Inuu cuntada dheef shiidaa waxey ku qaadataa seddax illaa shan cisho.

70% waxey dhalaan masasku ukumo, waxaase jira kuwa lagu qaddaro 30% oo dhala ubad nool. Black Mamba mas ugu dheereeya dunida waxa uu saacaddiiba ka gudbaa dhul gaaraya 20KM. Maska waxa uu cimrigiisu gaaraa 170 sano.waxa uuna leeyahay 600-1800 oo lafood, waxaase tirada lafihiisa go’aamiya hadba nooca uu yahay.

Anacondas waa nooca ugu culus masaska waxaan uu gaaraa 595 pound oo u dhiganta 269Kg, waxuuna hurdaa masku isaga oo indhahiisu furan yihiin waxaana sabab u ah daboolka isha oo aysan lahayn masaska.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan