Home / Macluumaad / Mataano wada dhashay, isku dugsi ahaa, kuna waxbartay hal meel oo hal mar wada dhintay

Mataano wada dhashay, isku dugsi ahaa, kuna waxbartay hal meel oo hal mar wada dhintay

Axmed Oroch iyo Maxamed Oroch oo ahaa  mataano wada dhashay, hal goob wax ka bartay, hal meel ka wada shaqeynayay  ayaa hal mar wada dhintay dalka turkiga .

Mataanayaashan oo caan ka ahaa dalka Turkiga ayaa sida uu ku soo waramayo wargeyska Khabar Turk ee dalkaasi ka soo baxa waxa ay ku dhinteen rabshadihii ka danbeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga .

Da’da labadan mataano oo u shaqeynayay booliiska dalka Turkiga ayaa waxa ay ahayd 25sano, waxayna labaduba jeclaayeen inay noqdaan duuliyaal diyaaradaha nuuca helicopterska oo ay tababar u qaadanayeen.

Turkiga aad baa looga yaqaanay labada wiil oo caan ayay ka ahaayeen, waxaana taa sabab u ah astaamaha ay wadaageen oo dad badan soo jiitay.

Mataanayaasha oo muuqaal ahaan aad isugu ekaa dhar isku mid ahna xiran jiray ayaa dad badan ay isku khaldi jireen waana midda sheekadan xiisaha u yeeshay ee keentay in aad looga hadlo.

Maxamed iyo Axmed labaduba xaasas ayay lahaayeen oo waa ay guursadeen laakiinse xaaska Axmed ayaa leh uur  toddobo bilood ah.

Wargeyska Khabar Turk ayaa ugu danbeyn tilmaamay in qoyska ay ka dhasheen labada mataano ay aad uga naxeen geerida labada wiil.

Aas mid ah ayaa loo sameyn doonaa labada mataano ee Axmed iyo Maxamed oo hal mar wada dhashay, hal goob wax ka bartay , hal meel kawada shaqeynayay oo hal waqti wada dhintay.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan