Himilo – Xiddiga kooxda United, Nemanja Matic aaya rumeysan in Red Devils ay ku guuleysan karaan Premier League, isla markaanna uusan jirin wax cudurdaar ah xagaaga 2020-21.
United ayaa ku jirta farxadda 14 kulan xiriir ah oo aan laga adkaan iyaga oo ku dhammeystay booska seddexaad horyaalka Premier League xagaagii lasoo dhaafay.
Ole Gunnar Solskjaer kooxdiisa ayaa gaartay afar dhammaadka tartamada Europa League, FA Cup iyo EFL Cup xilli ciyaareedka 2019-20, iyaga oo fasalka soo aadan ka ciyaari doona Champions League markii ugu horreysay tan iyo 2017-18. Matic ayaana ka hadlay sida ay isugu diyaariyeen fasalka soo aadan iyo in uusan jirin wax cudur daar ah.
“Xilli ciyaareedka soo aadan ma jiro wax cudur daar ah,” ayuu Matic u sheegay UTD Podcast. “Waa in aan wax waliba sameynaa, una dagaalannaa horyaalka maxaa yeelay xilli ciyaareedkan waxa aan si fudud ku luminay dhibco.
“Waxaan Liverpool u oggolaanay ku guuleysiga horyaalka, ma garanayo taasi, waxay ku guuleysteen horyaalka iyada oo ay kulamo ka harsan yihiin, sidaa darteed ma aqbali karno taasi. Waxaan u baahannahay in aan dagaalanno ilaa iyo dhammaadka, waa in aan si kalsooni ah ku ciyaarno.