Himilo – Daafaca Inter Milan ee Matteo Darmian ayaa u mahadceliyay Parma, kaddib markii uu dhammeystiray u dhaqaaqitaankiisa San Siro.
30-jirkaan horey ugu midka ahaa Italy ayaa dib ula midoobay Antonio Conte waayahooda San Siro isaga oo soo gabagabeeyay hal sano oo uu ku qaatay Parma.
Garabkan midig ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2019-20, ku qaatay Parma isaga oo 33 kulan u ciyaaray.
“Mahadsanidiin Parma iyo taageeryaasha.” Ayuu dhigaal uu ku qoray digalka Twitter ku qeexay.
“Waxaan ka dhaqaaqayaa koox cajiib ah oo marnaba ilaabi doonin, waxay ahaan doonaan wadnaheyga.”
Darmian ayaa si cajiib ah ugu soo muuqday Torino, isaga oo halkaasi ugu dhaqaaqay Manchester United bishii July 2015, afar sano kaddib ayuu dib ugu soo laabtay Italay.