Home / Macluumaad / Maxaa iska bedelay iibinta iyo kireynta guryaha?

Maxaa iska bedelay iibinta iyo kireynta guryaha?

Muqdisho – Muddo sannado ah, waxaa dhinac kasta oo nolosha ah ka socda isbadallo leh saameyntooda toggan ama taban. Waxaa isbadalay sida loo qaban jiray shaqooyin badan, waxaana inta badan saaciday arrintaasi tiknolojiyadda tallaabsatay.

Soomaaliya, shaqooyinka shalay iyo maanta waa kala heer, nuucyadda ganacsigana waa bad oo waxaa laga hirgaliyay dalka fikrado wax –ku-ool ah oo loo aayay.

Dad badan ayaa aaminsan in hal-abuurka Soomaalidu uu marayo halkii ugu sarreysay, islamarkaana bulshadda oo ka soo kabanaysa dagaalo la timid fikrado dhaxal gal ah.

Ganacsiyada magaalada Muqdisho waa kuwa sii bulaalaya, waxaana aragtiyadooda leh dhallinyaro isugu jira kuwa ka yimid qurbaha iyo kuwa ku koray xaaladaha colaadeed ee dalka uu ku jiray kamana joojin taasi inay shiilaan maskaxdooda oo ay wax-qabad la yimaadaan.

Ganacsiga, waxaa laga guuray dhaqamo iyo habab qadiimi ah oo loo ganacsan jiray, waxaana la qaatay xeelado ganacsiyeed oo la jaan-qaadaya tiknolojiyadda maanta.

Waxay u muuqataa in ganacsiga online-ka ah uu meesha ka saarayo culeysyo badan oo jiray inkastoo qudhiisa uu leeyahay saameyntiisa taban.

Iibinta guryaha iyo kireyntooda,  waxa uu ahaa hannaan la wada yaqaan cidda ka shaqeysa iyo wadada loo maro. Xirfadleyda dalaaleyda ah ayaa u dhaxeyn jiray qofka guriga iibsanaya ama kireynaya iyo iibsadaha ama laga kireeyaha.

Waxa uu caan ku ahaa hannaankan in wakhti badan uu ku lumo inta qofka guriga laga iibinayo ama laga kireynayo uu ka soo arkayo guriga oo markaasi kaddib uu diidmo ama ogolaansho ka muujin karo.

Hadda intaasi oo dhan waa laga gudbay, iibinta guryaha ama kireyntooda waxaa loo adeegsadaa hab online ah oo dadweyne badan farriinta lagu gaarsiin karo si fudud oo degdeg ah.

Waxa uu habkan meesha ka saaray culeysyadii jiray wallow dadka qaar yiraahdaan waxa uu shaqo la’aan dhigay dalaaleyda iibiya ama kireeya dhulka.

Shirkadaha ugu caansan ee qabta adeeggan onlineka ah waxaa kamid ah Shirkadda Kirasom, waa shirkad xayeysiin oo ka shaqeysa iibinta iyo kireynta guryaha iyada oo la adeegsanayo tiknolojiyadda casriga sida baraha bulshadda ku xiriirto.

Baahi badan looma qabo dalaaley badan, loomana baahna in qofka loo kaxeeyo guriga la iibinayo ama la kireynayo si loo soo tuso, intaasi oo dhan waxaa ku filan tiknolojiyadda.

Qore: Cabdullaahi Cali Daahir

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan