Home / Macluumaad / Maxaa ka taqaan Xuduudaha ugu Qatarta badan Caalamka?!

Maxaa ka taqaan Xuduudaha ugu Qatarta badan Caalamka?!

Muqdisho – In aad ogaato waxaa kaa xiga in aad aqriso —  sideedda xudduud ee caalamka ugu qatarta badan iyo sababta.

  1. al-Jeeriya iyo Marooko – xuduudda u dhaxeysa waddanka al-Jeeriya iyo Marooko ayaa ah xaduudda ugu qatarta badan caalamka. Sanadkii 1963-kii, waxaa ka dhacay xuduudan dagaal loo bixiyay “Xarbul Rimaal. Sidoo kale, sanadkii 1994-kii, ayaa laga dhisay gidaar labada waddan kala bara.
  2. Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koofureedxuduudan ayaa xiran tan iyo sanadkii 1953-kii, waa mid kamid ah xudduudaha ugu la yaabka badan caalamka waxaa ku aasan miinooyin, waxaana ku xiran madaafiicda wax burburiya.
  3. Hindiya iyo Pakistan – labadan dal ayaa leh xudduud dhererkeedu gaarayo 1800 km marka ay rabshad ka dhacdo. Labadan waddan soohdinta u dhaxeysa, caalamka walwal xooggan ayaa soo foodsaaray maadaama ay leeyihiin hubka wax gumaada ee Nugliyeerka.
  4. Thailand iyo Cambodia – labadan waddan ayaa ku yaalla koofur bari Aasiya, sanadkii 2008-da, waxaa ka dhacay dagaal lagu halaagsamay markaas kadib waxa ay noqotay meel qatar ah.
  5. Sucuudiga iyo Yaman – Yaman waa waddanka ugu faqiirsan waddamada Carabta. Waxay u shaqa doontaan Sucuudiga iyada oo dagaallo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo ciidanka isbaheysiga uu hoggaamiyo.
  6. Ruushka iyo Ukraine – Ruushka ayaa qabsaday qeybo kamid ah waddanka Ukraine sanadkii 2014-kii, markaa kadib xudduuda u dhaxeysa labada waddan oo noqotay meel qatar ah.
  7. Ethiopia iyo Eritria – Labadan dal oo markii hore hal waddan isku ahaa ayaa waxaa dhex maray dagaalkii ugu qasaaraha badnaa caalamka inta la xusuusto oo socday sanadihii 1998-2000, waana meel qatar ah oo qof bani’aadan ah laga yaabin in uu niyaysto maristeeda.
  8. Egypt iyo Falastiin – xuduudda labadan dal u dhaxeyso waxaa ku yaalla darbi ay dhistay Yuhuuda, waxay rabtana ka sameysato.

Qore: Ali Abdulle Hilowle.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan