Home / Madadaalo / Maxaa ku dhacay tuugadii damacday iney dhacaan dukaanka?

Maxaa ku dhacay tuugadii damacday iney dhacaan dukaanka?

Himilo – Muhammad Arshad waxa uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla gobolka Punjab ee Pakistan, markii ay usoo galeen koox burcad ah oo doonayay inay dhacaan goobtiisa ganacsi.

Waxa uu isku dayay milkiilaha dukaanka inuu naftiisa kala baxsado kooxda burcadda ah, kahor inta aysan qaban oo aysan garaacin.

Sida ay warisay warbaahinta gudaha, dhawaqa rasaas ay rideen burcadda ayaa qasabtay inay kusoo baxaan dad daris la ahaa dukaanka iyo xubno ka tirsan qoyska Arshad.

Markii ay gaareen goobta ayey soo badbaadiyeen ninkii dukaanlaha ahaa, waxeyna soo qabteen laba kamid ah tuugadii dhaca geysaneysay.

Lama filaanku waxa uu dhacay markii mid kamid ah raggii tuugada ahaa ay ka qaateen Faas, midkoodna ay gacanta kaga jareen halka kan kalena ay ka gooyeen sanka.

Boliiska oo goor danbe tagay goobta, ayaa isbitaalka ula cararay tuugadii iyo dukaanlihii oo qudhiisu dhaawac ahaa, lama soo sheegin in la xiray dadkii falkaasi sameeyay iyo in kale.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan