Home / Dhaqaale / Maxaa ku qasbi kara macaamiil inuu $5,600 u bixiyo hadiya ahaan?

Maxaa ku qasbi kara macaamiil inuu $5,600 u bixiyo hadiya ahaan?

Himilo – Baqshad ay ku jirto lacag gaareysa $5,600 ayuu kaga tagay miiskii uu ku cunteenayay, si uu hadiyad qarsoodi ah uga dhiso shaqaalaha maqaayad ku taalla gobolka Ohio ee dalka Mareykanka, ugana mahad celiyo adeegga ay u sameeyeen.

Daily Mail oo sheekadan daabacay ayaa wariyay in shaqaalaha ay ilma soo daaftay marka ay arkeen deeqsinimada macaamiilkooda qariyay Magaciisa.

Moussa Salloukh oo ah milkiilaha maqaayadda Souk Mediterranean Kitchen & Bar, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in lacagtaasi ay qeybsadeen shaqaalaha maqaayadda oo tiradoodu dhan tahay 28-ruux, iyada midkiiba ay kusoo aaday $200, waxa uuna ku tilmaamay lacagtaasi mid timid xilli ay baahideeda qabeen.

Maqaayadaha waxey ka mid yihiin goobaha gacansi ee saameynta taban ku yeesheen xayiraadaha cudurka Covid-19, oo sida ku dhigan xogta midowga maqaayadaha, ku dhawaad 17% maqaayadihii ku yaalay Mareykanka oo u taagan in ku dhaw 110,000 ayaa xirmay sanadkan markii ay hanta beeleen, halka kuwa kalena ay liic-liicayaan.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan