Home / Caafimaad / Maxaa laga og-yahay Doorka Dhaqaatiirta Shisheeye ee Dalka ku sugan?!

Maxaa laga og-yahay Doorka Dhaqaatiirta Shisheeye ee Dalka ku sugan?!

Himilo — Dhinaca togan oo tusaale nool u ah sida dalkani tagtadii ragaadisay uu uga soo kabanayo waxaa laga fahmi karaa kororka tirada dhaqaatiirta ajaaniibta ah ee dalka ku sugan kuwaas oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay qeyb ka ahaa bahda caafimaadka dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wax la dheereysto in badan siima noqoneyso aragtida isbitaal walba oo la furo inay kugu soo dhaweeyaan dhaqaatiir shisheeye ah oo uu dhinac fadhiyo tarjumaan Somaali ah. Mararka qaar, waxaaba la oran karaa majiro isbitaal guud oo isaga filnaan kara kaalintooda la’aanteed. Kuwa badan waxayba u yihiin tiirarka qura oo ay ku taagan  yihiin.

Sidaas darteed, la yaab malahan, joogitaanka dhaqaatiirta Carabta u badan siiba Suuriyaanka kuwaas oo xoojinaya adeegga baahida caafimaadka. Qeyb walba oo kamid ah laamaha caafimaadka ayay ku jiraan. Rag iyo dumar dhaqaatiir ah, oo si aan kala sooc lahayn mar qura uga howlgalaya isbitaallada diyaarna u ah inay qaabilaan doorka kaga aadan shaqada loo igmaday, waxay sida xaqiiqda ah aad u kaabeen goldaloolkii ka jiray faya-dhowrka guud.

Dad badan, tani waxay ku tilmaami karaan astaan muujinaysa kobac bulsho oo mudan in laga mahadceliyo. Sida dhaqaatiirtani ay gudashada iyo qabashada mas’uuliyaadkii loo wakiishay ay dadweynaha u yimaada uga haqabtirayaan ayaana siinaysa sabab lagu bogaadin karo wax-ku-oolnimada shaqadooda. Kuwii ku guuleystay inay dalka keenaan waxaa loo arkaa hal-abuurayaal umadda u sameeyey ganacsi bulsho-kaab ah oo in badan ka baajiyay inay daryeel caafimaad dibadda u raasadaan.

Balse in kale ayay tani uga dhigan tahay dayacaad iyo boos-buuxin si qeyrul-mas’uuli ah loogu gacan banneynayo dhaqaatiirta ajaaniibta ah. Waxaana halkii ay ahayd mudnaan siinta dhaqaatiirta gudaha iyo tayayntooda, aad loogu fogaaday ku tiirsanaanta kuwa shisheeye. Dhaliishaasu kaliya kuma dhaceyso ganacsatada oo qura, hayeeshe waxaa la wadaagaya dowladda dhexe. Mana ahan eeddu mid ku siman intaas.

Halka ay iska cadahay in shaqa-abuur iyo sugnaan maaliyadeed ay dhaqaatiirtani ku heleen dalka – iyaga oo aan ka yaabeyn canshuur iyo dabagal lagu sameeyo howlaha ay qabtaan, haddana, waxaa jirta xaqiiq la isla wada qirsan yahay oo ku aadan hubinta tayada aqoontooda oo aan markii horaba lagu sameyn kolkii ay dalka imaanayeen. Waana walaaca ugu weyn oo shacabka Somaaliyeed ka muujinayaan joogitaankooda.

La’aanta doorkii wasaaradda caafimaadka oo aan umadda la wadaagin la socodka dhaqdhaqaaqa iyo tayada xirfadeed ee dhaqaatiirtani, waxay sidoo kale la timid iltuhun oo shacabku ku eegaan wax-qabadkooda.

Gefna ma ahan in la yiraahdo, xattaa mulkiilayaasha xarumaha caafimaad oo ay ka howlgalaan, xil weyn iskama saari karaan aqoonsiga iyo hubinta heerka aqooneed oo ay dhaqaatiirtani ka joogaan cilmiga caafimaadka. Waxa kaliya oo ay isku howlaan ayaa ah iidheh u sameynta iyo ogeysiinta shacabka inuu yimid dhaqtar qabanaya adeegyada caafimaad oo ay u baahan yihiin.

Sidaas darteed, doorka isbitaallada ay joogaan dhaqaatiirtani wuxuu kaliya ku kooban yahay urursiga dakhliga billaha oo dhaqaatiirtani soo xereeyaan. Caddeymaha muuqda oo laga diiwaan-geliyay cabashada iyo dhaliisha ay jeediyeen bukaannada qaar ayaana ayidaysa tuhunkaas.

Mararka qaar waa wax dhaca in baahida bukaanka laga homariyo beesada jeebkiisa ku jirta. Waayo halkii ay ahayd in mudnaantu ahaato badbaadinta bukaanka, waxaa durba laga fikiraa sida ugu macquulsan oo loogu soo dallici karo qarashaad badan si looga faa’iideysto.

Waa maxay dulucda ku jirta in dibadda looga baaqdo helidda daryeel caafimaad haddii gudaha kuwii joogay ay baaris iyo hab-raac adag marinayaan bukaannada si looga helo qarashkii uga bixi lahaa dhoof dibadeed?!

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan