Home / Macluumaad / Maxaa looga baahan yahay waddanka si caalamku u aqoonsado?

Maxaa looga baahan yahay waddanka si caalamku u aqoonsado?

Himilo – Maanta waxaa dunida ka jira 197 dal. 193 ka mid ah waxay xubin ka yihiin Qaramada Midoobay. Afarta soo hartay  labo QM ayaa maamusha halka labada kale aysan haysan sharciyad buuxda. QM waa hey’adda ugu saameynta badan caalamka, waxaana lagu sheegaa inay tahay meesha caalamka laga hago ama laga jaan-gooyo. Waddamada hay’addan ay aqoonsan tahay dhammaantood waa  kuwo madax bannaan.

Waxaa jira shuruudo ay qasab tahay in uu marka hore soo buuxiyo. Waxaa kamid ah in uu leeyahay dhul, Lacag u gaar ah iyo Calan lagu garto. Intaa markii uu soo buuxiyo ma ah macnaheeda in uu helayo aqoonsiga dal buuxa.

Si uu uga mid noqdo dalalka caalamka ka jira marka hore waa inay u codeeyaan golaha amaanka ee QM, kadib waa in uu oggolaasho ka helaa shanta xubnood ee joogtada ah; USA, Britain, France, Russia iyo China, markaa kadib ayaa loo aqoonsanayaa musharrax. Intaa dabadeed waxaa qasab ah inay ansaxiyaan golaha guud ee QM (dalalka caalamka oo dhan) Saddex meelood labo,  markaa kadib waxaa lagu dhawaaqayaa waddankaas in uu yahay dal caalamka ku soo biirey waxaana la siinayaa shahaadada QM.

Labada wadDan ee layiraah ‘UN observer status’  

Labada dal ee QM Muraaqibka ka ah waa Falastiin iyo Vitican-ka shahaadada aqoonsiga dalnimo way heystaan balse dowlad buuxda looma aqoonsana.

Labada aan haysan sharciyada dal waa Taiwan iyo Kosovo

Taiwan waxaa aqoonsan 22 dal oo kaliya. Shiinaha ayaan ku dhagan oo sheegta inay  dhulkiisa ka mid tahay.

Kosovo waxaa si buuxda u aqoonsan 111 dal. Serbia ayaana sheegta Kosovo in uu yahay gobol dhulkeeda ka mid ah.

Qore: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan