Home / Macluumaad / Maxaa rakaabka diyaarada loogu amraa inay furaan daaha daaqadaha?

Maxaa rakaabka diyaarada loogu amraa inay furaan daaha daaqadaha?

Himilo – Waxaa jira sharciyo badan oo la raaco marka laga joogo safarada xagga hawada, waxaa kamid ah in aan sigaar lagu cabbi karin gudaha diyaarada iyo in la fadhiyo marka ay shidan yihiin tilmaamaha ammaanka.

Sidaasi oo ay tahay, waxaa jirta arrin dad badan ku reebtay layaab oo ku saabsan amar la siiyo rakaabka marka ay diyaarada kaceyso ama ay degayso.

Rakaabka diyaarada ayaa laga dalbadaa inay furaan daaha dariishadaha haddii uu ku daboolan yahay daaqada. Xattaa waxay mararka qaar keentaa in loo kiciyo rakaabka hurdaya.

Bogga Quora ayaa ka soo xigtay khubarada duulimaadka inay tallaabadan kaalin weyn ka qaadaneyso badqabka diyaarada.

Sababta ugu weyn ee loo furayo daaha daaqadaha ayaa ah inay indhaha rakaabka helaan iftiinka bannaanka taasi oo siineysa rakaabka awood iyo aragti wanaagsan haddii ay timaado xaalad deg deg ah.

Keliya 90 ilbiriqsi ayay heystaan shaqaalaha diyaarada inay ku daad gureeyaan rakaabka haddii ay xaalad deg deg ah timaado. Sidaa darteed waa in shaqaalaha arki karaan bannaanka diyaarada iyo halka ug habboon ee laga bixi karo.

John Kisei oo ah duuliye hore ayaa sheegay in daaha daaqadaha oo la furo inay faa’iido tahay marka diyaarada gasho xaalad deg deg ah.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan