Himilo – Tirada dadka ku nool Afrikada ka hooseysa Saxaraha aad ayuu u kordhayaa marka la barbar dhigo gobollada kale, tirada ugu badan ee dadka da’da shaqada ku jirana waa dhallinyaro Qiyaastii kala bar dadka ku nool Afrikada ka hooseysa Saxaraha waxa ay da’doodu ka yar tahay 25 sano. Inkastoo wax-soosaarka gudaha uu si tartiib ah u korayo, hadana dhalinyarada badan ee ku nool Afrika kuma qanacsana horumarka dhaqaale sababtoo ah kobaca dalal badan waxa uu ka yimaadaa shidaalka, saliidda iyo macdanta kuwaasoo aanan u baahneyn in dhalinyaro badan ka shaqeyso, taasoo ka dhigeyso dhalinyaro badan kuwo shaqo la’aan ah.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka Afrika oo ay dhalinyaradu u badan yihiin. Sida ay muujisay sahan ay sameeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Tirakoobka, 75 boqolkiiba dadka Soomaaliyeed waxa ay da’doodu ka yar tahay 30 sano. In ka badan kala bar dadka ayaa ku jira da’da shaqada (oo ah da’da u dhexeysa 15-64 sano oo ah da’da dadka shaqeyn kara ama doonaya in ay shaqeeyaan). Dadka ugu badan (43.7 boqolkiiba) waxa ay ku nool yihiin magaalooyinka. Si lamid ah inta badan dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, fursado shaqo oo aanan jirin ayaa ah mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya. Inta badan dadka ay saameyso shaqo la’aanta waa dhalinyaro. Si loo fahmo hannaanka shaqo helista iyo caqabadaha ay wajahaan dhalinyarada, waxa aan la hadalnay 18 dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jiray weriyayaal, dhaqaatiir, arday jaamacadeed, cilmibaarayaal, qareenno, iyo dhalinyaro shaqo la’aan ah oo dhammaantood ku sugnaa Muqdisho bilihii Janaayo iyo Febraayo ee sanadkan 2019.
Caqabadaha
Waxaa jiro waxyaabo badan oo qeyb ka qaatay shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya. Maqnaanshaha dowlad si buuxda uga shaqeysa dalka ayaa la dhihi karaa waa sababta ugu weyn. Soddonkii sano ee ugu dambeysay hay’adaha dowladda waxa ay ahaayeen kuwo tabar yar ama aanan shaqeynin. Awoodda dowladda u leedahay in ay diyaariso kaabayaashii sahli lahaa maalgelin iyo shaqo abuur waxaa dhaawacay burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray. Sidoo kale, amni xumida ka jirta qeybo kamid ah Soomaaliya waa xaalad kale oo qeyb ka qaadatay shaqo la’aanta iyo in aanan si buuxda loo shaqeynin, gaar ahaan
dhalinyarada. Kheyraadka dalka sida beeraha, kalluunka, iyo xoolaha nool wax-soo-saarkooda wuu hooseeyaa (waa waxsoo-saar u baahan xirfado kooban). Inta badan badeecada la isticmaalo, oo qaar badan oo kamid ah lagusoo saari karay gudaha dalka, dibadda ayaa laga keenaa. Tani waxa ay yareysay fursadaha shaqo. Sidoo kale, iskaashi dowladda iyo ganacsatada ah oo awood u siin karay dowladdu in ay fursado shaqo abuurto waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Iyadoo ay fursadaha shaqo ay yar yihiin, ayaa haddana waxaa jiro xaalado kale oo sii xumeeyay dhibaatooyinka shaqo ee heysta dhalinyarada. Arrimahan waxaa kamid ah in waxbarashada aanay ka turjumeynin xirfadaha shaqo ee looga baahan yahay suuqa, hannaanka shaqo siinta oo khaldan, iyo fursadihii shaqo oo kusoo uruurtay meelo gaar ah.
Tirada jaamacadaha ku yaalla dalka waa ay kordheen gaar ahaan tobankii sano ee ugu dambeysay. Muqdisho kaliya waxaa ku yaalla in ka badan 60 jaamacadood. Laakiin xarumahan tacliintan sare sooma saaraan arday aqoon iyo xirfado kala duwan leh. Culuumta ardayda lagu baro jaamacadaha kama turjumayaan xirfadaha looga baahan yahay suuqa shaqada. Tusaale ahaan, dhalinyarada jaamacadaha dhameeyay intooda badan waxa ay ku liitaan luqadaha shaqada sidoo kale ma lahan xirfado u sahlaya in ay shaqo helaan ama abuurtaan. Waxbarashada oo aanay inteeda badan dowladdda gacanta ku heynin, sharciyada waxbarashada oo aanan la dhaqan gelin amaba jirin, amni xumida iyo barakaca joogtada ah ee ardayda ayaa qeyb ka qaatay tayada waxbarashada oo liidata. Tiro badan oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed oo aanan shaqeynin ma helin fursad ay ku aadaan iskuullo nidaami ah ama xarumaha tababarrada xirfadaha.
Dhalinyaro badan ma lahan xirfadaha sida tuubiistanimada, korontada iyo dhismaha oo u sahli karay in ay ku shaqeystaan sababtoo ah barashada xirfadahan waxa ay u baahan tahay tababar. Sidaas darteed, ajaanib oo intooda badan ka yimid dalalka deriska ayaa shaqooyinkan ka qabta Soomaaliya. Daahfurnaan la’aanta shaqo qorista ayaa ah arrin kale oo qeyb ka qaadatay dhibaatooyinka shaqo ee heysta dhalinyarada Soomaaliyeed. Si dhalinyarada jaamacadaha dhameeyay shaqo uga helaan dowladda, waa in ay weydiistaan dad ka dhashay beeshooda in ay ku caawiyaan shaqada. Siyaasiyiinta waxa ay metelaan qabiillo. Marka uu qof u baahdo in uu shaqo ka helo hay’adaha dowladda, qabiilka qofka waa kan ugu muhiimsan oo saameynta ku leh helitaanka shaqada.
Qoray: Cali Hilowle