Himilo – Dhaqamada dadka Soomaaliyeed ee soo jireen ah waxaa ka mid ah in marka uu qof ka mid ah bulshada uu xoolo beelo loo sameeyo xoolo goyn oo micnaheedu yahay in dib loogu suura geliyo helidda xoolo uu dhaqdo kuna noolaado. Tani waxay ka hortagi jirtay in la helo qoysas sabool ah iyo kuwo hantiileyaal ah oo isku dhexnool sid ummadaha reer galbeelka.
Inkastoo weli ay dadka Soomaaliyeed ku wacan yhiin is taakuleynta haddana sidii ay ku ahaayeen waayadiii hore kuma aha, waxaa jira gaabis ka dhashay isbeddelka ku yimid hab nololeedka iyo duruuraha nolosha oo is garabsanaya.
Taniyo sannadkii 2011 Soomaaliya waxaa dhowr mar ka dhacday abaar ilaa hadda fara ba’an ku haysa dadka miyiga iyo tuulooyinka ku nool ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda isugu jira. Qoysas ladnaa ayay ka dhigtay kuwo fara maran oo nolol ka raadiya xeryaba barakaca.
Dhibaatooyinka nololeed ee dadkeenna ka soo gaara abaaraha waa kuwo muuqda. Kasoo kabashada waxay aalaaba qaadataa sanado. Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la helo qorshe ka hortag u noqon kara abaaraha dadka iyo duunyada aafada ku noqday.