Home / Macluumaad / Sidee Maxaabiis $30,000 ugu uruuriyeen arday sabool ah?

Sidee Maxaabiis $30,000 ugu uruuriyeen arday sabool ah?

Himilo – Sheekadan cajiibka ah ayaa ka dhacday xabsi ku yaala gobolka California ee dalka Mareykanka, halkaas oo maamulka dugsiga Palma uu go’aansaday in uu billaabo barnaamijka isdhexgal ahaa oo lagu xoojinayo awoodda aqris ee maxaabiista.

Waxaa loo saaray tiro arday ah si u caawiyaan maxaabiista waxna uga soo bartaan kuwooda jaamacadaha dhammeystay, maalin ayaa mid ka mid ah ardaydii u sheekeeyay nin maxbuus ahaa, isaga oo u sheegay inuusan awoodin bixinta $1,200 ee lagu dhigto dugsiga bishii sababta la xiriirta waalidkiis oo aanan haysan qarash.

Maxaabiista oo hadalkii is gaarsiisay ayaa billaabay barnaamij lacag loogu uruurinayo Sy Green si waxbarashadiisa aysan uga kala go’in illaa heer jaamacadeed. Barnaamijka oo ay ku magacaabeen “Walaalaha xiran dharka Buluugga ah,” ayaa lagu soo uruuriyay adduun ka badan $30,000, sida uu baahiyay CNN.

Maamulka dugsiga ayey ka codsadeen inuu lacagta siiyo ardaydii hanta dhibcaha ugu sareeya, iyaga oo ogaa dadaalka Sy. “Fahanka nafhurinamada ay waxbarashadeyda u sameeyeen boqolaal rag ayaa igu dhiiri galineysa inaan noqdo qofka ugu wanaagsan si adagna u shaqeeya” ayuu Sy u sheegay muuqaal baahiyaha CNN markii uu guddoomay haddiyadda.

Hadda oo uu dhammeystay waxabarashadiisii dugsiga sare, isaga oo ay wehlinayaan waalidiintiisa ayuu booqasho ugu tagaa maxaabiista ku xukumanay xabsi daa’inka ee ku jira xabsiga Soledad State ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan