Himilo – Weeraryahanka Reer Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa shaaciyay in ay suuragaltahay in uu maro waddadii Mane kaddib markii ay kooxda isku fahmi waayeen heshiis cusub oo uu dalbaday.
Saalax iyo Liverpool ayaa isku mari la’ dalabka mushaarkiisa todobaadlaha ah oo uu doonayo in la gaarsiiyo 400K oo lacagta Ingiriiska ah todobaadkiiba.
Saaxiibkiis Mane ayaa ku biiray kooxda Bayern Munich ee waddanka Germany ka ciyaarta,waxaana suuragal ah haddii Liverpool ka dhega adeygto dalabka Saalax in uu isna isaga tago.
Doodad isfaham waaga ah ee ka dhextaagan Saalax iyo Liverpool waxaa si weyn Isha ugu wada haya kooxaha ugu tunka wayn Laligaha Spain ee kala ah Barcelona iyo Real Madrid.
Kooxda Madrid ayaa ugu cadcad la wareegidda Maxamed Saalax haddii uu katagayo Liverpool xagaagan islamarkaana wahadalka u socda uu fashilmo.
Waxaa jirta in wakiilka Saalax ay xiriir la sameeyeen kooxo waaweyn oo doonaya in ay ku qalqaaliyaan in uu isaga tago anfield haddii dalabkiisa maaliyayadeed loo fulin waayo.