Himilo – Milan ayaa ku deg degtay waxaana lagu soo waramayaa inay jawaab ka rabto weeraryahanka Chelsea Olivier Giroud, weeraryahanka Roma Edin Dzeko ayaa bedel u noqon kara Rossoneri.
Tuttosport ayaa warinaysa in Diavolo uu doonayo inuu ku xiro heshiiska laacibka reer France maalmo gudahood.
Wargeysku wuxuu daaha ka qaaday in kooxdu ay shalay la xiriirtay wakiillada Giroud isla markaana ay miiska soo saareen heshiis labo sano ah oo ku kacaya € 4m, iyadoo ay suurtogal tahay in lagu daro dookh cusboonaysiin ah sannad saddexaad.
Marka la xaqiijiyo qodobada heshiiska, wakiilada weeraryahanku waa inay aadaan Chelsea si loo joojiyo qandaraaskiisa Blues.
Milan sidaas darteed waxay raadineysaa inay dardar galiso howlgalka, laakiin waxay diyaarsaneysaa qaabab kale hadiiba ay dhacdo.
Tuttosport ayaa ku warameysa in ciyaaryahanka reer Bosnia Dzeko uu bedel u noqon lahaa Rossoneri, laakiin weeraryahanka Giallorossi ayaa ka qaalisan.
Dzeko, oo dhaliyay 13 gool 38 kulan oo tartan rasmi ah 2020-21, ayaa ka mushaar badan Giroud.
Radio Himilo
