Himilo – 10-ka dambe ee bisha Ramadaan, waxay culimadu u badiyaan inuu ku jiro habeenka laylatul Qadriga – kaas oo kheyrkiisa lagu sheegay qur’aanka.
Waxaan halkan idinkula wadaaneynaa tallooyin qofka ku saacidi kara inuu la kulmo habeenkaas isagoo ku hawlan sameyn acmaal wanaagsan oo kheyri ah.
Mid ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaan ka soo xiganay afar qodob oo ay tahay inay sameeyaan muslimiinta 10-ka dambe ee Ramadaan.
1-Bixinta sadaqada: waa mid ka mid acmaasha wanaagsan ee qofka ka caawisa inuu aakhiro dhigaal u sii dhigto, waxay leedahay faa’iidooyin dheeraad.
2-Salaatu Layl: Marka ay wada hurdaan dadku adigoo u soo kacay weyneynta alle waxay ku siineysaa fursad inaan ku beeganto habeenka kheyrka.
3-Akhrinta Suuratul Ikhlaas: akhrinta qur’aanka waa mid laysku booriyo bishan maadaana ay tahay bishii uu soo deggay, sidoo kale akhrinta Suuratul Ikhlaas 3 jeer waxay dhigan tahay adoo dhammeeyay qur’aanka.
4-Badinta ducada: joogteynta ducada waxay muhiim u tahay qofka muslimta ah waxay ka faydaa culeysyada soo wajaha, sidaas darteed waa in la badiyo habeenadan si aad ugu beeganto habeenka kheyrka adoo alle bari iyo duco ku jira.