Himilo – Dad badan ayaa ku dhinta dagaalada balse dhimashada dadka ayaa inta badan ku timaada sababo kale sida qaniinyada kaneecada, xasharaadka ama xayawaanada dad cunka ah.
Sida uu qoray bogga Business Insider, daraasad cusub ayaa daaha ka qaaday jiritaanka xayawaanno badan oo ka khatar badan bini’aadamka islamarkaana sabab u ah dhimashada kumanaan qofood.
Baaritaanka ayaa liis dheer ka sameeyay xayawaanada khatarta ah ee sannad walba sabab u noqda dhimashada dad badan.
Libaaxyada
Libaaxyada ayaa horseed u noqda dhimashada 22 qofood sannad kasta. Daraasad la sameeyay sannadkii 2005-tii ayaa tilmaamtay in libaaxyada Tanzania sababsadeen dhimashada 563 qofood tan iyo sannadkii 1990-kii.
Gooryaanka
Waxay ka mas’uul yihiin dhimashada 700 qofood sannad kasta. Nuuc kamid ah gooryaanka ayaa kaga takhalusi kara qofka maalmo gudaheed.
Yaxaaska
Waxaa lala xiriiriyaa dhimashada 1000 qofood sannad kasta. Inkastoo Yaxaaska uu ka fog yahay dadka haddana waa mid khatar ku ah dadka badda iyo berigaba.
Masaska
Waxaa al rumeysan yahay in 1000 qofood u dhintaan sunta masaska sannad walba. Waxaa lagu tiriyaa xamaalatada khatarta ah ee leh xirfadda sarre.
Kaneecada
Waxaa loo tiirin karaa mas’uuliyadda dhimasho ee 750,000 qofood sannad kasta. Khubaro badan ayay wakhti ku qaadatay inay fahmaan kaneecada oo qofka u gudbineysa feyruuska dilaaga ah.