Home / Cayaaro / Maxay tahay sababta uu David de Gea u soo gaabin doono fasaxiisa

Maxay tahay sababta uu David de Gea u soo gaabin doono fasaxiisa

Himilo – David de Gea ayaa ku laaban doono Manchester United ka hor dhamaadka bishaan isagoo doonaya inuu dib u helo booska koowaad ee goolhayaha ka hor xilli ciyaareedka 2021-22.

30 jirkaan ayaan ka soo laaban fasaxiisa xagaaga ilaa bilowga bisha Ogosto, isagoo qeyb ka ahaa xulkii Spain ee Euro 2020, laakiin goolhayaha ayaan wadankiisa isticmaalin.

Sida laga soo xigtay The Sun, De Gea ayaa gaabin doona fasaxiisa isbuucaan, maadaama uusan dooneynin inuu u lumiyo Dean Henderson, kaasoo durbaba ku jira tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee United.

Warbixinta ayaa sheegeysa in tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer uusan wali go’aan ka gaarin cida u shabqa u ilaalin doonta kulanka furitaanka Premier League ee ay kooxdu wajaheyso Leeds United 14ka Ogosto.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa u lumiyay booska koowaad  Henderson qeybihii dambe ee xilli ciyaareedkii hore laakiin waxaa la siiyay hanashada finalka Europa League ee Villarreal.

De Gea ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda 20ka jeer hanatay horyaalka Ingariiska, laakiin weli labo sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa £ 375,000 ee uu isbuucii ku qaadanayo Old Trafford.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan