Home / MAQAALO / Maxay yihiin duruufaha dadkeenna waxbartay u diidan inay isbeddel keenaan?

Maxay yihiin duruufaha dadkeenna waxbartay u diidan inay isbeddel keenaan?

Himilo – Waxay si dadban dadka qaar u aaminsan yihiin aragtida ah in marwalba ay kala duban yihiin jawiga ku hareereysan qofka inta uu ku gudo jiro marxaladaha waxbarashada nidaamiga ah sida iskuulka amaba jaamacadda iyo tan ruuxa waxbartay uu shaqo raadis yahay ama uu shaqeeynayo.

Labadaan marxaladood waxaa suurtogal ah in isbeddalada qofka uu la kulmayo ha ahaato dhanka kobaciisa waayo aragtinimo ama aqoontiisa ay wadamada dunida ka wada simanyihiin, hase yeeshee dalalka qaar oo dalkeenna uu ka mid yahay waxaa u wehliya isbeddaladaasi kuwa kale oo ku qasbaya qofka inuu ka tanaasulo badanaa mirihii cilmigiisa, kuwaas oo sanado badan ay ku qaadatay iney u soo baxaan.

Mirahaasi waxaa ugu muhiimsan aqlaaqda, run-sheegista iyo hawlkarnimada. Waxaa marar badan qofka dagaalkiisii ku wajahnaa dhanka kobociisa uu uga mashquulaa dagaalka uu ku difaacanaayo in uu ku dhagnaado aqlaaqda wanaagsan iyo tayeynta taqasuskiisa.

Haddii la isku dayo in la ogaado ama la qeexo sababaha caqliyada dadka waxbartay ka dhigtay iney la kulmaan dhibaatooyinkaas oo macno dil ku sameynaya aqoontoodii saxsaneyd iyo waddadii toosneyd ee waxbarashada, waxaa waajib noqoneyso marka koobaad in la xaqiijiyo inta ay la egtahay aqlaaqda iyo dadnimada uu xambaarsanyahay qofkaan wax soo bartay oo lakulmi doona dhibaatooyinkaas.

Gadaal markii loo noqdo, barbaarinta qofka waxbartay uu lasoo kulmay yaraantiisa, taas oo ay kasoo qeybqaateen waalidkiisa iyo bulshada uu la noolaa oo noloshiisa asaas u ahaa, waxaa soo baxeysa in carruurta ay la kulmaan barbaarin ku talagal aheyd inay aad u yareyd taas oo ka dhigeyso caqliyo badan oo waxbartay in billowga isbeddalada waxbarashada kaddib ay yihiin caqliyo aqlaaqda iyo dadnimada ey xambaarsanyihiin ay yar tahay ama aslan aysan xambaarsanaan wax aqlaaq ah.

Dhanka kale markii la isku dayo in wax laga ogaado duruufta wadanka ee caqligaan waxbartay uu kusoo biiray iyadana waxayaabaha soo bixi kara waxaa kamid ah in dadka gacanta hadda wax ey ugu jiraan oo laga yaabo in iyaga ey yihiin dadka caqliyadaas ey hoos tagayaan shaqaale ahaan ama go’aanka gaaraya, waxaa soo bexeyso in dadkaas eysan xambaarsaneyn wax aqlaaq ah iyo dadnimo , taas oo ka dhigeyso in caqligii fareshka/saafiga ahaa ey u adeegsadaan qaab aan xikmadeysneyn maadaama ey iyaga go’aanka iyo awooduba ey ku jirto gacantooda , markaas ayaa waxaa dhacdo in caqligii waxbartay uu raaco si ku qasbanaan ah jawigaan xun ama uu iska caabiyo taas oo ey adagtahay in ey dhacdo .

Si tartiib ah markii xaalada dalka loo qiimeeyo dhan walba waxey u muuqaneysaa in uu socdo wareeg asaaskiisa uu yahay iska faa’iideysi iyo isku tumasho taas oo aan wax dan ah ugu jirin kobaca dadka iyo dadnimadooda. Wareeggaan haddii qof uu damco in uu la dagaalmo billowgii waxaa qasab ku noqoneyso in uu qeyb ka noqdo wareegga ama uu ka soo baxo taas oo iyadana wadato dhibaatooyinkeeda sida in qofka uu bannaan cidla ah istaago taas oo ka dhigeyso dagaalkaan ay wajahayaan caqliyada wax bartay mid aad u adag.    

W/Q : Dr Abdi Naasir Shide ( dhaqtar iyo fallanqeeye arrimaha siyaasadda dalka )   

Aragtida  maqaalkanna waxey gaar u tahay qoraha, kamana tarjumeyso siyaasadda Radio Himilo.      

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan